Xog: Muxuu madaxweyne Xasan ku beddeshay ka qeyb galka caleemo saarka Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ka qeybgeli doono caleemo saarka Axmed Madoobe oo doorasho muran ka taagan yahay 15-kii August loogu doortay xilka madaxweynaha Juba.

Sida laga helayo mas’uuliyiin ku dhowdhow Axmed Madoobe waxaa kulankii dhowaan Kismaayo ku dhex maray Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo Axmed Madoobe looga hadlay arrintan iyadoo Axmed Madoobe si weyn u doonayay in caleemo saarkiisa ay ka qeyb galaan madaxda sare ee dowladda si sharciyad uu uga helo mar haddii ay tegi waayeen doorashadiisa.

Axmed Madoobe ayaa loo balan qaaday in Madaxweyne Xasan Sheekh ama Ra’iisal wasaaraha ay caleemo saarkiisa ka qeyb geli doonaan haddii uu ka qeyb qaato in xildhibaanada Beesha Ogaadeen ee saxiixay mooshinka Madaxweynaha ay ka baxaan mooshinkaasi kana qeyb qaataan fashilintiisa, arrintaas oo Axmed Madoobe balan qaaday isla markaana fuliyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com