XOG CUSUB: Mooshinkii ka dhanka ahaa Xasan Sheekh oo caawa loo gudbiyay maxkamada sare

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhaw aanu ka helnay Maxkamadda Sare ee JFS ayaa Caasimadda Online u Xaqiijiyay in Mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweynaha JFS uu gacanta Maxkamadda Sare ee JFS soo galay.

Waxaa aay ahayd Bishii hore ee Ogoosto 12, 2015 markii aay xildhibaano kor u dhaafay 93 aay ka gudbiyeen mooshin ka dhan ah Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Xildhibaanada ayaa ku soo eedeey ilaa 16 qodob oo qaarkood aay ku eedeeyeen Madaxweynaha, Qiyaano Qaran, Musuqmaasuq iyo kutagri fal awoodda xafiiska Madaxweynaha.

Haddaba Maxkamadda sare ee JFS ayaa eegi doonta sharci ahaanshaha mooshinka iyadoo markaas noqoneysa maxkamaddii dastuuriga ahayd marka lagu soo daro afar qof oo ka darsamiyay sagaalka (9) xubnood ee guddiga joogtada ah ee maxkamadda sare.

Arrintan ayaa loo badinayaa in Madaxweynaha JFS uu kala kulmo cadaadis badan in uu kaga yimaado dhanka beesha caalamka. Waxaa hubaal ah in mooshinkan ka doodistiisa iyo maxkamadeentiisaba aay muddo qaadan doonto, iyadoo JFS looga fadhiyo in aay doorasho ka dhacdo sanadka danbe ee 2016.

Wixii faahfaahin ah dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com