JANNAALE oo ka baxday gacanta maamulka DF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka degmada Jannaale ayaa wareysi uu siiyay idaacadaha Kulmiye ee magaalada Muqdisho ka howl gasha ayaa sheegay in gebi ahaan magaalada Jannaale aay gacantooda ka baxday. Guddoomiyaha Degamada Jannaale Sheekh Cabdi Biyamaalow, ayaa sheegay in aan illaa hadda la ogeyn qasaaraha soo gaaray labada dhinac.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa gebi ahaanba magaalada isaga baxay, iyadoo la sheegayo in qasaaraha dhimashada ee ciidamada AMISOM uu gaarayo ilaa 50 askari.

Halka hoose ka dhegeyso

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com