Mooshinka Xasan oo caawa galay marxalad kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar goor dhow naga soo gaaray guddoonka Baarlamaanka Federalka ah ee Soomaaliya, ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyay in caawa marka aay tahay saacadda siddeeda (8) fiidnimo guddoonka baarlamaanka uu u gudbin doono Mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweynaha JFS Maxkamadda Sare.

Wararka ayaa intaa ku daraya in guddoonka uu kala kulmay cadaadis badan xildhibaanada waday mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha iyo xubno ka tirsan beesha caalamka.

Xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha oo aay Caasimadda Online la xiriirtay ayaa iyaguna u xaqiijiyay in lagu ballamay in caawa la gudbiyo mooshinka.

Guddoonka ayaa garwaaqsaday in mooshinkii xalay aay qabtaan xoghaynta Baarlamaanka JFS uu ahaa mid sharci darro ah, mooshinna aanan mooshin kale lagu tuuri Karin. Sida sharciga uu dhigayo ayaa ah kaliya in mooshin lagu laadi karo marka doodda mooshinka aay dhammaato oo cod la geliyo mooshinka.

Dadka ka faallooda siyaasadda ayaa iyagana ku tilmaamay mooshinka xalay in uu ahaa mid naf lacaarinimo aay ka danbeysay oo la rabay in xildhibaanada mooshinka lagula galo gor-gortan siyaasadeed.

Xubno siyaasiin ah oo ka gaabsaday in magacooda la sheego ayaa Caasimadda Online u sheegay in Madaxweynaha JFS uu u diray ergo xildhibaanada wado mooshinka, ergadaasoo xalay la kulmay xildhibaanada ayay u sheegeen in uu Madaxweynaha uu diyaar u yahay in uu fuliyo codsi walba iyo shuruud walba oo aay la yimaadaan, waa haddii aay ka talo baxaan mooshinka.

Ballan qaadyada uu Madaxweynaha miiska soo saaray  ayaa ka mid ahayd in xildhibaanada aay la yimaadaan Ra’iisul wasaare cusub, lana soo dhiso dowlad cusub. Taasoo aay xildhbiaanada gebi ahaanba diideen.

 

Caasimadda Online

Xafiiska Muqdisho

caasimadda@live.com