MADAXWEYNE iyo wasiiradda arrimaha dibadda dalkiisa oo isguursaday kaddibna shaaciyey in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta caalamka ayaa si aad ah u hadal hayo Madaxweynaha maamulka gooni isu taagga Transnistria, Yevgeny Shevchuk oo shir Jaraa’id ka sheegay inuu guursan daano Wasiiradda arrimaha dibadda maamulkaasi Mr Nina Shtanski.

Madaxweynahaani ayaa u jeedka uu shirka u qabtay ahaa in warbaahinta uu uga xog waramo guuxa halkiisa ka taagan taasi oo ahaa in Madaxweynaha uu Jaceyl la jilaayo Nina Shtanski oo ah Wasiirada Arrimaha dibadda.

Inta uu ku guda jiray Shirkiisa jaraa’id oo uu ku qabtay magalada Tirasapol ee xarunta u ah maamulka, ayuu sheegay in nolosha uu la wadaagi doono Nina Shtanski, isaga oo madasha shirka ka sheegay in Jaceylkiisa uu soo jiitamaayay muddo farabadan, balse iminka uu ku dhiiranaayo inuu sheego.

Waxa uu Madaxweynuhu sheegay in Mr Nina Shtanski uu ka qaadi doono xilka Wasaarada islamarkaani ay noqoneyso marwadiisa cusub.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in Marwo Nina Shtanski uu u dhiibi doono shaqo kale kaasina ay ku ekaan doonto mudada uu xilka hayo.

Dhanka kale, Mr Shevchuk, waxa uu cadeeyay in arrintaani uu mudooyinkaani danbe ka dareemaayay dalkiisa, balse dadku ay ahaayen kuwo meel fog wax ka arkaayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com