CADDEYN: Yaa leh abaabulka mooshinka cusub

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Mooshin cusub oo ay gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan BF Somalia oo iyagu taageersan Madaxweyne Xassan Sheekh.

Abaabulka Mooshinkaani cusub ayaa waxaa ka qeybqaadanaayo Xildhibaano farabadan waxaana abaabulkiisa gacan weyn ka geysanaayo Xubno ka tirsan Gudoonka sare ee BF Somalia oo iyagu iminka hortaagan mirro dhalka Mooshinka la doonaayo in xilka looga qaado Madaxweyne Xassan Sheekh oo isagu lagu eedeeyay inuu musuqay Qantida Qaranka.

Sidoo kale, Mooshinka cusub ayaa waxaa isla fangareynaayo Madaxweyne Xassan iyo Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia, waxaana qorshahaani Mooshinka cusub 23/08/2015 lagu dajiyay Madaxtooyada Somalia.

Mooshinka cusub ayaa waxaa la soo warinayaa in iminka ay saxiixeen Xildhibaano fara kutiris ah oo kasoo horjeeda Mooshinkii asbuucyo ka hor laga gudbiyay Madaxweyne Xassan, waxa ayna doonayaan in Mooshinka ay wadaan ku difaacan Madaxweyne Xassan oo iminka ku jira jawi jahwareer ah.

Warar hoose ayaa sheegaya in lamberka Mooshinka cusub gudbiyay ay ku jiraan kuwo been abuur ah iyo magacyo Xildhibaano hore oo la adeegsaday, balse waxa uu u jeedkiisu yahay in lagu fashiliyo mooshinkii hore.
moo1

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com