Dhageyso: MOOSHIN noociisa aan hore loo arag oo xalay loo gudbiyey JAWAARI (Fowdo cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, ayaa xalay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya u gudbiyey mooshin cusub oo ka dhan ah mooshinkii laga gudbiyey madaxweynaha.

Mooshinkan cusub, ayaa cinwaan looga dhigay “Soo Jeedin Laalis Mooshinka iyo Eedeymaha Aan Sharciga waafaqsaneyn ee ka soo horjeeda madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya”.

Xildhibaan Cabdullaahi Abshiroow oo ka mid ah xildhibaanada mooshinka gudbiyey, ayaa sheegay in ay diidan yihiin mooshinka laga keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in mooshinka madaxweynaha uusan heysan sharciyad uu ku sii socdo.

Xildhibaan Cabdullaahi ayaa sheegay in mooshinkaasi uu abuurayo xasilooni darri siyaasadeed, isla markaana laga been abuurtay xildhibaano badan oo aan ku jirin mooshinkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Mooshinkan, ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa oo ah Mooshin lagu jebinayo Mooshin oo loo gudbiyo baarlamanka Soomaaliya.

Dhageyso hadalka Xildhibaan Cabdullaahi

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com