CADDEYN: Mas’uul lagu helay MUSUQ-MAASUQ

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Magaalada Hargeysa kasoo baxda ayaa baahisay in Musuq dhaqaale lagu helay Maareeyaha haamaha shidaalka Magaaladda Berbera Saleebaan Siciid Cali.

Maareeyaha ayaa lagu soo waramayaa inuu ku tagri falay Hantida maamulka isaga oo guri aad u baaxad weyn muddo kooban ka iibsaday xaafadda Idaacada ee magaaladda Hargeysa gaar ahaan agagaarka Masaajidka.

Guriga uu Maareeyaha iibsaday ayaa la soo warinayaa inuu yahay dhul cabirkiisa lagu sheegay hal baloog oo u dhiganta 10 balood.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in booska uu Mas’uulkaasi iibsaday asal ahaantiisu uu ahaa geerash lagu xareen jiray baabuurta.

Booskaasi ayaa lagu soo waramayaa in dhaqaale ahaan lagu iibiyay 1Milyan oo dollar.

Maamulka Somaliland oo iminka kusoo baraarugay Musuqa ayaa bilowday baaritaano lagu xaqiijinaayo hantida Mas’uulkaasi uu muddo kooban ku tacbaday.
1

2

3

4

5