Daawo: Salaad Cali Jeele “Xasan Sheekh Isagaa horrey u caddeystay wuxuu hadda sameynayo”

Muqdisho (Caasimada Online) – Salaad Cali Jeele, oo xilal kala duwan horay kaga soo qabtay dowladahii kumeel Gaarka ahaa, haddana ah gudoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Dimuqraadiyada ayaa si qoto dheer kaga hadlay qaabka loo musuq maasuqo dhaqaalaha Soomaaliya.

Mr Jeele ayaa dad badan soo xasuusiyay hadal uu Xasan Sheikh Maxamuud, markii la doortay kadib ka jeediyay baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo ahaa “Aniga Sharci iga horeeyay ima qabanayo”, wuxuuna Salaad Cali Jeele hadalkaasi u fasiray “musuq horay loo sameyn jiray la igama joojin karo.”

Salaad Cali Jeele, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya oo masuulka ugu sareeyay sidaasi ku dhawaaqay iney iska cadahay iney musuq dhaqaale ay sameynayaan.

Dhaqaalo badan ayuu sheegay inuu kasoo xaroodo dekada magaalada Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha, isaga oo sheegay iney sii dheer tahay dhaqaalaha ay ku deeqaan dalalka caalamka ee taageera dowlada Soomaaliya kuwaasi oo ka kooban dhaqaalo toos loo siiyo dowlada iyo kuwo mashaariic lagu fuliyo.

Hoos ka daawo muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com