Go’aan cusub: DFS oo ku fashilantay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe (XOG)

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Gudaha DF Somalia, ayaa lagu sheegay in Dowladu ay dib u dhigeyso shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

C/fataax Daahir Mire oo ah Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa goordhow shaaciyay in Wasaaradu ay si KMG ah u hakineyso furitaanka Shirka.

Afhayeenka waxa uu sheegay in Wasaaradu ay sabab jirto awgeed u hakineyso Shirkaasi, inkastoo uusan sheegin, hadana waxaa jiro warar hoose oo sheegaya in Wasaaradu ay ku fashilantay dhex dhexaadinta labada Maamul si xal looga gaaro goobta la dhigi lahaa gogosha.

Shirkaani la hakiyay ayaa waxa uu qorshuhu ahaa inuu bilowdo 1-da bisha September waxa ayna baajinta muujineysaa in DF ay u maara heli la’ dahay Beelaha labada dhinac kasoo kala jeeda oo midba midka kale u diidan inuu marti galiyo shirka.

Sidoo kale, qabashada shirkaani ayaa waxaa hareeyay khilaafyo isdabajoog ah waxaana shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe lagu heshiin waayay qaabka loo soo xulayo guddiga farsamada shirka.

Dhanka kale, baajinta shirka ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo Magaalada Muqdisho ay iminka kuwada sugan yihiin Guddoomiyaasha labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe C/fataax Xasan Afrax iyo Cali Cabdullaahi Xuseen.

Kulan wasiirka arrimaha gudaha uu saacado ka hor la qaatay labada Gudoomiye ayaa waxa uu ku guul dareystay inuu ku qanciyo isku tanaasul, taasina ay sababtay Fashilka ku yimid shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com