Jawaari: 3 sano oo hoggaan Jilicsan & hawl yari

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Baarlamaanka Federaalka waxaa u dhamaaday 3 sano, sidoo kale Guddoomiyahooda  baarlamaanka  Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari , waxaana la’isweeydiin karaa waxa u qabsoomay mudadaasi baarlamaanka iyo Jawaari.

Waxaan u kuurgalay, dabagalna ku sameeyey waxqabadkii baarlamaanka mudadaas 3-da sano ahayd, waxaa kaloo aan la sheekeystay qaar ka tirsan xildhibaanada Federaalka balse nasiib darro natiijada iisoo baxday ayaa noqotay mid aanan lagu farxeyn sida  ka muuqata ciwaanka!!

Inta badan shaqada golaha shacabka waxa lagu soo koobaa 3 arin: Sharci dajinta ama Meel marinta sharciyada, dib u eegista sharciyada, la xisaabtanka shaqada xukuumadda iyo matalaadda shacabka oo ay ka midtahay hormarinta goobaha laga soo doortay.

Marka hore, xildhibaano badan oo arinta waxqabadka aan kala sheekeystey,  su’aal kasta jawaab ayey u hayaan, haddii aad weydiiso sababta lix kalfadhi ay u ansixiyeen 19 Hindiso Sharciyeed iyo 6 Qaraar waxaa ay ku doodayaan in xukuumadda aanay u keenin sharciyo badan, kuwii horey loogu keeneyna ay ceshatay xukuumad kasta oo timaada.

Xilkooda ah la xisaabtanka xukuumadda sababta aay u gabeen markaad weeydiiso waxay kuu sheegayaan in labo xukuumad ay u rideen waxqabad la’aan laakin sheekadaas shacabka waa ay ka warqabaan!!

Haddii aad wax ka weydiiso matalaadda shacabka 3-dii sano ee lasoo dhaafay iyo sababta ay u tagi la’yihiin gobollada ay matalaan, arimaha amniga ayey isku difaacayaan!!

Sida ku cad xogta rasmiga ah ee aan heyno boqolkiiba %18 oo xildhibaanada ka tirsan ay booqdeen deegaanadii laga soo doortey, meelaha ay booqdeena waa 10 gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka.

Waxyaabaha lagu eedeeyo guddoomiyaha Jawaari  iyo guud ahaan guddoonka ayaa waxaa ka mid ah in ay awoodi waayeen in xitaa la dhawro saacadaha shaqada baarlamaanka, waxaana jirta in baarlamaaanka uu inta badan shaqeeyo wax ka yar 3 saacadood.

Markasta oo uu kalan jiro waxaa caado iska noqotey in kulanka uu furmo 12:00 PM iyo wixii ka dambeeya, sanadkii oo dhan waxa uu baarlamaanka Federaalka shaqeeyaa 216-saacadood, waxaana jirta in saacadihii ay tahay in uu baarlamaaanka shaqeeyo ay yihiin 1792-sacadood sanadkii ugu yaraan.

Waxaa halkaa kaaga soo baxaya in baarlamaanka shaqeeyo oo kaliya %12 boqolkiiba saacadihii loogu talogalay in uu shaqeeyo, waxaase kaaga sii daran in waqtigaasi yar ee boqolkiiba 12% ah in intiisa badan lagu qaato mooshin iyo muran!!

Warbixintan, waxaa ku soo qaadayaa qaar ka mid ah hadaladdii Guddoomiyaha golaha shacabka Jawaari iyo wixii ka hirgalay iyo haddii ay caqabado jiraan, maxaa u diiday in shaqo fiican la qabto mise loo garaabi karaa?

In kasta oo Baaralamaankaan uu helay fursado ka badan Baarlamaanadii KMG ahaa, sida fursado Amni, dhaqaale iyo  xitaa sida in boqolkiiba 60% xildhibaanada yihiin kuwa heerkooda waxbarasho uu gaarsiisanyahay jaamacad,  hadana kama aysan faa’ideysan, waxaa uu soo bandhigay waxqabad la’aan ama waxqabad aad ula liita sida aad ka arki doontaan warbixintaan.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo u khudbeynaya golaha shacabka xilligii uu musharrax ahaa waxaa uu yiri ”Himilada aan tiigsanayo ee kale waxaa ka mid ah inaan dhiso gole shacbi oo ku shaqeynaya rabitaanka shacbiga, lehna ajanda sharci dajin muddeysan iyo guddiyadda shaqeynaaya si loo soo celiyo sharaftii iyo heybaddii  goloha shacbigu, loona kasbado kalsoonida dadweynaha, abuurnana xasilooni siyaasadeed oo lagu gaari karo horumar, dhaqan dhaqaale, amni iyo cadaalad”.

Sadex sano kadib, Baarlamaanka waxaa uu riday 2 xukuumad,  waxaa ay kalsoonida kala noqdeen Ra’isul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon 2 December 2013 halka December 6, 2014 ay kalsoonida kala laabteen Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, hadda waxaa uu baarlamaanka Soomaaliya ku dheggen yahay oo ay mooshin ka keeneen Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh, su’aal: aaway xasiloonida siyaasadeed ee uu Jawaari sheegey?!!

Dhinaca shaqada Guddiyadii golaha shacabka, 3-dii sano ee lasoo dhaafay shaqo fiican ma qaban guddiyada kala duwan, Xildhibaanno guddiyadan ku jira waxaa ay ii sheegeen in ay  barnaamij-kii ay ku shaqeyn lahaayeen aanu lacag helin muddo labo sano ah iyagoo intaa ku daray in guddiyada Baarlamaanka aan loo  fududeyn shaqadooda, sida Tikit-yada si ay ula socdaan shaqooyinka loo xil saaray, arintaas waxaa ii xaqiijiay Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ah guddoomiyaha guddiga difaaca baarlamaanka oo dhawaan ka hadlayay madal looga hadlayay waxqabadka baarlamaanka oo lagu qabtay Machadka Heritage ayaa sheegey in kharashkii guddigiisa ku shaqayn lahaa muddo labo sano ay kaliya halmar heleen kharashka hal bil oo kaliya, taasina ay curyaamisey shaqadoodii.

Jawaari waxaa uu khudbadiisa ku sheegay “Iyadoo laga cibra qaadanayo, khibradii laga soo kasbaday golohii aan xilka kala wareegnay, waxaa laga  maarmaan ah inaan u horseedo in  xildhinaanada loo xaqiijiyo in la siiyo mushaar iyo gunnooyin ku filan oo aan kala go ama la daahid midna lahayn”.

Xildhibaanada mararka qaar ma qaataan wax mushaar ah muddo 4 bil ah, arintaas oo keentay in Xildhibaanada ay qabtaan shaqo uu sheegay Jawaari xilligaas in lagu xaman jiray, sida laaluush qaadasho.

Jawaari waxaa uu yiri “In Maamulka golaha shacabka loo xaqiijiyo shaqaale xirfadooda iyo mihnahooda heer sare yahay, una xil gutaan, hufnaan iyo mihnadyahannimo, in sida ugu dhaqsaha badan loo xaqiijiyo in xubhana golaha shacbiga helaan goob shaqo iyo qalab tayo leh oo la siman Baarlamaanda Caalamiga ah”

Arinta ku saabsan Shaqaalaha baarlamaanka waxaan soo ogaaday in 3 sano kadib Baarlamaanka Soomaaliya aanu laheyn  lataliye dhanka sharciga ah ama sharci yaqaan (legal adviser) iyadoo maalin walba la hor keeno sharciyo kala duwan oo uu ka mid yahay Sharcigii shaqaalaha Ajaaniibta oo ugu dambeeyay.

Tani waxa ay horseedi kartaa in baarlamaanka uu meelmariyo shuruuc jaban oo leh ciladdo hadhoow dhibaato horseedi kara, waxaana jirta ugu yaraan hal sharci oo inta la ansixiyey uu madaxweynaha diidey in uu saxiixo, laguna soo celiyey baarlamaanka, kaasi oo ah sharciga Hanti Dhawrka Guud.

Waxaa intaa dheer guddoonka Baarlamaanka waxaa uu mudadaas qortay shaqaale gaaraya 300, lacagtaas ku baxday shaqaalahaasi xildhibaanada qaar waxa ay ku doodayaan in shaqo badan lagu qaban karay.

Jawaari oo sii hadlaya waxaa khudbadiisii ka mid ahaa: “Suurtagal ma aha Baarlamaan qarameed oo jira inuu noqdo  garab rarato oo meel uu u shaqo tagaayo subaxii xildhibaanka uusan garaneyn, taa waxaa lagama maarmaan ah in sida ugu degdegsan loo dhameystiro.

Waxaa xaqiiq ah in dhismaha Baarlamaanka ay ka muuqato duruuf iyo daryeel la’aan xilli Villa Hargeysa ay ku jirto meelaha guryaha ugu qurxan Magaalada Muqdisho.

Baarlamaanka halka uu hadda ku kulmo waa Hool fool xun oo kuraas la iska dhigay halka dhismaha intiisa kale uu burbursanyahay, lamana oga meel uu ku dambeeyey mashruuc dib loogu dhisi lahaa aqalka.

Wariyaha Baarlamaanka ee Goobjoog News Cabdifitax Kalgacal waxaa uu xaqiijiyay in xitaa Hoolka lagu shiro uu roobka soo daayo, taas oo fadeexad ku ah muuqaalka Baarlamaanka Federaalka.

Mid ka mid ah xildhibaanada waxa uu nagu yiri “Xitaa rinji lama marin gurigan, foolxumadiisa waad wada aragteen marka kor laga eego ama ay saxaafadda soo sawirto”.

Dhanka Xeer Hoosaadka, baarlamaanka Jawaari waxaa uu ku guuldareystay hirgalinta iyo ku dhaqanka Xeer Hoosaadka golaha shacabka sida ay ku doodayaan xildhibaanada qaar,  tusaale ahaan baarlamaanka waxaa jirto xildhibaano iska maqan 3-dii sano ama aan soo xaadirin kalfadhiyadii 6-da ahaa, laakiin waxaa la yaab leh in weli aan la ceyrin hal xildhibaan, Lacagna iska qaataan!!.

Xuseen Carab Ciise waxa uu yiri “Waa shaqsiyaad waaweyn oo macruuf ah oo la yaqaano, aniga sheegi mayo magacyadooda, laakiin waxa ay caado ka dhigteen in ay iska maqnaadaan, mana jirto cid talaabo ka qaaday”.

Arimaha kale ee ku tusinaya in xeer hoosaadka lagu tuntay waxaa ka mid ah haddii uu kooramka (guntanka) ku furmo 139, waxaa la arkaa in Labo xildhibaan iska tagaan kulanka oo socda, waxaa dhacdo oo xaqiiq ah in  dhamaadka kulanka ay meel marintii sharciyada u hakato Labadaas xubin dartood, halkaasi hawshii ku hakato,  maxaa diiday haddii oo kooramka qabsoomo marka horaba in shaqada la dhamaystiro?!!

Arintii Jubbaland, waxaa ay Xildhibaanada qaar ii sheegeen in daliil cad u tahay go’aan jileeca Baarlamaanka federaalka iyo Guddoomiye Jawaari

Ugu dambeyn baarlamaanka waxaa horyaallo howlo badan sida, Hindise sharciyeedka Warbaahinta, Hindise Sharciyeedka Shaqaalaha Ajaanibta, Hindise sharciyeedka la dagaalanka argigixisada, Hindise sharciyeedka Xisbiyada Siyaasadda, dib u eegista dastuurka iyo arimo kale, lamana oga xilli ay howshaas dhameyn doonaan.

W/D : Cabdicasiis Axmed Gurbiye.

Email: Gurbiyeshow@gmail.com

Warbixinta waxaa Macluumaad ku daray: C/Nasir Saxansaxo.