Ma dhabaa in Xasan iyo R/W CC ay ogolaaden ka qeyb-galka caleemo saarka AXMED MADOOBE?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan lagu kalsoonaan karin oo naga soo gaaraya dhanka Xildhibaano kasoo horjeeda Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar isla garteen in DF Somalia ay ka qeybqaadato Caleemasaarka Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Ra’isul wasaaraha dalka uu Axmed Madoobe u ballanqaaday in Mas’uuliyiin ka socda DF ay ka qeybqaadan doonaan Caleemasaarkiisa, kadib markii labada dhinac ay isla arkeen in xal laga gaaro xasarada ka dhexeeysa.

Axmed Madoobe oo adeegsanaayo Dowlada Ethiopia ayaa sheegay in Ra’isul wasaaraha uu gaarsiiyay dacwada Caleemasaarka, islamarkaana ay muhiim u tahay in munaasabada uu ka dhex arko xubno matalaaya DF.

Madaxweynaha Somalia oo la sheegay inuu caga jiid ka muujinaayo ka qeybgalka ayaa saacadihii ugu danbeeyay aqbalay in Dowladu ay ka qeybgasho munaasabada Caleemasaarka Axmed Madoobe ee maalmaha soo socda ka dhici doonto Magaalada Kismaayo.

Waxaa lagu casuumay wufuud Caalami ah oo ay ku jiraan dalalka iyo Hay’adaha daneya arrimaha Somalia sida reer Yurub, IGAD, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobe.

Sidoo kale waxaa ka qeybgalaya oo lagu casuumay inta badan Maamul Goboleedyada Dalka ka jira sida Galmudug, Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Haddii ay munaasabadaasi ka qeybgasho DF Somalia waxaa muuqaneyso in nidaamka dalka uu yahay mid gacan ku rimis ah bacdamaa dhismaha Maamulkaasi iyo doorashadii dhawaan ka dhacday Kismaayo ay yihiin kuwo aan la waafajin sharciga uu xili waliba ku doodo Madaxweyne Xassan inuu dhowraayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com