Xasan Sh. oo taageeray dowladda Cabdi Raboow

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda dalka Imaaraadka Carabta u sheegey in uu taageersanyahay dowladda dalka Yemen ee uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdi Raboow Mansuur Haaddi.

Wuxuu hadlayay xili uu shalay dib uga soo laabtay safar uu ku tagay dalka Imaaraadka oo uu kulamo lasoo yeeshey madaxda dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa intii u halkaasi joogay kulan rasmi ah la yeeshay dhaxal sugaha dowladda Imaaraadka Carabta, Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan, oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Madaxweynaha oo xubnaha wafdigiisa ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibedda, Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cali Axmed Jaamac (Jangeli), ayaa sidoo kale kulan gaar oo looga hadlayey dhinacyada ay labada dal sida dhow isaga kaashan karaan la yeeshay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Dr Anwar Al-Gargarsh.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale kulamadooda uga wadahadley xal u helista mashaakilaadka ka taagan dalalka Carabta, gaar ahaan Yemen, iyadoo si gaar ah ay dowladda Soomaaliya u sheegtay inay taageersan tahay xukuumadda dalka Yemen ka dhisan ee uu horkacayo Madaxweyne Cabdi Raboo Mansuur Haaddi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com