9 arrimo oo golaha wasiirada cusub ay kaga duwan yihiin kuwii ka horeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Aroortii Jimcihii, goor dadku hurdo sanqartuna tahay mid yar ayaa Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaaliga ah, qaar kamid ah Wasiirada oo aan xalay seexan, Saxaafadda u soo bandhigey Golihiisa wasiirada ee la shaqeyn doono tan iyo sanadka 2016, haddiiba aan shaqada laga cayrin.

Haddaba xukumaddan ayaa la dhihi karaa arrimo badan oo ayaa laga tilmaami karaa waxaana ka mid ah:

1. Golaha Wasiirada ee uu soo dhisey Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh ayaa la dhihi karaa waxay ahaayeen miro Garas, wa lala soo daahey, waqtigii dastuurku siinaayey ayaa la dhaafey, waqti dheraad ahna waa loogu daray, sababtu maxay ahayd?, Dastuurka loo dhaartey oo aan la fulin, shaqo nin lee yahay oo nin kale ka arriminaayo iyo arrimo kale.

2. Waa Wasiiradii u horeyeeyey ee habeenbarkii salaadda subax ka hor lagu dhawaaqo Dowlad Soomaaliyeed, lama yaqaano sababta ay waaberka u sugi waayeen.

3. Wasiirada cusub ayaa sicir barar xoog leh ku dhacay, tiradooduna si xad dhaaf ah ayey kor ugu boodey, waa golihii Wasiirada ee ugu badnaa tan iyo Xukuumaddii Cumar Cabdirashii Cali Sharmarke.

4. Xukumaddii ka horeysey haweenku waxay ku lahayeen 2 wasiir haddii boqoley loo qaybiyana waxay ahaayeen 20%, marka la eego tiro yaraanta Wasaaradaha, Tirada guud ee Wasiiradan waxay kor u kacdey 75%, haweenka waxaa ku dhacay hoos u dhac waana wax ka yar hadda 10%, halkoodi ayey tagan yihiin.

5. Waa Golihii wasiirada ee ugu badnaa ee ka yimaada Baarlamaanka tan iyo Xukumaddii Cali Maxamed Geedi.

6. Inkasta oo ay weji cusub ku jiraan haddana waxaa aad ugu badan magacyadii dadka Soomaaliyeed maqlayeen tan iyo xukuumaddi Cali Maxamed Geedi, kuwaas oo lagu bartey in aysan waxba dalka ku soo kordhin.

7. Waa markii u horeysey ee Wasiirka Arrimaha Dibadda la siiyo Aqoonyahan ka soo jeeda gobolka Awdal tan iyo xukuumaddii Cali Maxamed Geedi, halka ay markii hore u xirneyd Beesha Dhexe ee Gobolada Waqooyi ee hadda la baxay Somalailand, kuwaas oo sheeganaya in ay yihiin dowlad ka madaxbanaan kuwa wasiirada u magacaabaya.

8. Golaha Wasiirada ee cusub ayaa la dhihi karaa waxaa ku badan Xubnaha, taageerayaasha, ka agdhawayaasha Damuljadiid ee majaraha dalka haya.

9. Labadii wasiir ee madaxweynaha u ahaa daacadda dib ayey u soo laabteen.

Ugu danbeyntii Golahan Wasiirada iyo barnaamijka Dr.Cabdiweli Shiikh Baarlamaanka ma dhaafi doonaan, jawaabtu waxaan filyaa HAA golaha Xukuumada 70% waa Xildhibaano.

W/Q: Khalid Yusuf