Amar ka soo baxay laamaha amniga PL

Wararka laga helaayo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in guud ahaan laga mamnuucay magaalada in hubka lagu dhax qaato.

Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland C/raxmaan Xaaji Abshir ayaa waxa sheegay in ay dajiyeen qorshe lagu sugayo guud ahaan amaanka magaalooyinka maamulka Puntland uu ka taliyo.

Sidoo kale Taliye C/raxmaan Xaaji Abshir ayaa ugu baaqay dhamaan Ilaalada hey’adaha ka howl gala Garoowe in ay hubkooda la joogaan goobahooda ama ay la saarnaadaan gawaaridooda hadii kale ay hubka kala wareegi doonaan.

C/raxmaan Xaaji Abshir ayaa cadeeyay in cidii ay ku arkaan isaga oo hub ku dhax wata magaalada hubkiisa lala wareegi doono isla markaasna xabsiga loo taxaabi doono.

Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland  ayaa sheegay in barnaamijkaan ay ugu tala galeen in ku xaqiijiyaan amaanka guud ee deegaanada maamulka Puntland.