BF Somalia oo u fariistay ansixinta Wasiirada Cusub ee DF Somalia

Baarlamaanka Somalia ayaa maanta waxa ay u fadhiyaan kulan lagu ansixinayo Wasiirda DF Somalia ee dhawaan uu soo dhisay RW C/wali Sheekh Axmed.

Xildhibaanada ayaa ugu horeyn ka doodi doono Qoraal ay ku qoran yihiin wax qabadka xukuumada Cusub ee DF Somalia kadib haday waqti u helaan waxa ay guda gali doonaan cod u qaadista Xukuumada.

RW C/wali Sheekh iyo xubno ka mid ah Wasiiradiisa ayaa goobjoog ahaan doono kulan si ay ula socdaan waxa halkaas ka dhacaya sidoo kale waxa ay xildhibaanada ku qal qaalin doonaan in xukuumada la ansixiyo.

Si kastaba Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa kulankaan shir gudoominaayo waxa uuna Xildhibaanada ku wargaliyay in ay si sax ah uga doodaan qodobkaan sidoo kale ay waqtiga dhowraan.