90 Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka xilli Trump uu ku dhawaaqay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay tiradii ugu badneyd ee dad Soomaaliyeed ka masaafuriyay dalka Mareykanka, kuwaasi oo laga dejiyay magaalada Muqdisho, iyadoo lasoo marsiiyay garoonka diyaaraddaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Dadka Soomaaliyeed ee laga celiyay dalka Mareykanka ayaa tiradoodu lagu sheegay 90 qof iyo labo qof oo Kenyan ah. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dib u celinta dadkaan Soomaaliyeed, kuwaasi oo qaarkood lagu sheegay in ay galeen dambiyo iyo kuwo dacwadahoodii magangelyo la diiday.

Safiirka Soomaaliya ee Washington Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dadkaan la celiyay ka safaarad ahaan lagu soo wargeliyay isla markaana documentiyadii lagu celiyay ay bixisay safaaaradda Soomaaliya ee Washington.

Axmed Cawad wuxuu sheegay in dadkaan dib u celintan dadkaan Soomaaliyeed ay go’aamisay maxkamad, qaarkoodna ay ku jiraan dad dambiyo kala duwan galay iyagoo aan qaadan dhalashadii wadanka Mareykanka iyo kuwo magangelyo doon ahaa oo la diiday dacwadahoodii.

“Safaarad ahaan anagu waxaan ku laheyn inaan sameyno documentiyadii lagu celiyay, go’aanka dib u celintana waxaa goysay maxkamad” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Axmed Saciid Cawad.

Safiirka wuxuu intaa ku daray in dadka la celiyay ay dambiyo ka galeen dalka Mareykanka, 90-qof ee la celiyayna aanu si qasab ah loogu celin wadankii ay ka yimaadeen, isagoo intaa raaciyay in dadkaasi qaarkood ay ku daaleen xabsiga codsadeena in dalkooda loo celiyo.

Danjiraha Soomaaliya ee Washington wuxuu meesha ka saaray in dadka la celiyay uu ka danbeeyo maamulka cusub ee Trump, laakiin buu yiri qorshahooda uu horay usoo socday ka hor doorashadii Donald Trump.

Dib u celinta 90-ka Soomaalida ayaa waxay kusoo beegantay Xilli madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu maanta saxiixayo dhowr amar fulineed oo lagu xadidayo qaxootiga imanaya dalka Mareykanka.

Amarka Trump ayaa lagu xanibayaa in Mareykanka ay yimaadaan qaxootiga ka imanaya dalalka Soomaaliya, Iraq, Libya, Iran, Sudan, Syria iyo Yemen, sida ay sheegeen ilo ku dhow madaxweynaha iyo khubro arrintan la socda.

Dhammaan dalalkan qaxootiga ka imanaya la xanibi doono ayaa ah dalal Islam ah.
Donald Trump ayaa intii uu ku guda jiray ololaha doorashada wuxuu ballan-qaaday in haddii uu madaxweyne noqdo uu dalka Mareykanka ka mamnuuci doono inay yimaadaan dadka muslimiinta ah.

Wuxuu sidoo kale marar badan weerar ku qaaday dadka Soomaalida ah, gaar ahaan kuwa Minnesota oo uu sheegay inay musiibo ku noqdeen horumarkii iyo amnigii gobolkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com