25.4 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

FAAH-FAAHIN: DAGAAL maanta dib uga dhex qarxay Puntland iyo Khaatumo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Taleex (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya degmada Taleex ee gobalka Sool ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka dilaacay dagaal xooggan oo u dhexeya maleeshiyo kala taabacsan maamulada Khaatumo iyo Puntland.

Dagaalka oo socday in ka badan lab o saac ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Ma cadda inta uu la egyahay khasaaraha dagaalka dhex maray maleeshiyo beeleedka ka kala soo jeeda Puntland iyo Khaatumo.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu iskii u istaagay balse waxaa la fili karaa in uu xilli kasto uu ka dilaaco halkaas.

Intii dagaallada ay socdeen waxaa istaagay isku socodka dadka iyo gaadidka, waxaana qaybo ka mid ah xaafadaha lagu dagaallamay ka billowday barakac xooggan.

Dhinaca kale, maamulka Puntland ayaa ka hadlay dagaallada iyagoona ku baaqay in si shuruud la’aan loo joojiyo.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Cabdixakiim Cabdulaahi Camey oo la hadlay warbaahinta ayaa labada dhinac ka codsaday in ay joojiyaan dagaallada.

Ma jirto dhinaca maamulka Khaatumo wax war ah oo ka soo ka baxay oo ku aadan dagaalka saakay ka dhacay degmada Taleex.

Xaalada goobaha lagu dagaallamay ayaa caaddi ku soo noqotay in kastoo dadka iyo gaadidka ay si teel-teel ah u socdaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News