Tarsan oo jawaab ka bixiyey hadal lala yaabay oo kasoo yeeraayay laamaha…

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, ayaa dhaliilay hey’addaha ammaanka kaddib markii qaraxyo iyo hoobiyaal laga maqlay magaalada Muqdisho ay ka hadal yaab leh a sheegeen.

Tarsan ayaa sheegay in aan la yeeli doonin wiixi ka dhacay Muqdisho habeenadii la soo dhaafay in lagu tilmaamo Baaruud iyo wax yaabo aan qarxeynin oo aan dhib geesaneynin.

“In la dhaho wixii dhacay ma ahan qarraxyo iyo waa Baaruud ma ahan wax la aqbali karo, waa in la soo qabtaa kooxaha u bareeray in ay khalkhal galiyaan ammaanka magaalada” ayuu yiri Tarsan.

Tarsan ayaa caddeeyay in hey’addaha ammaanka ay ka gaabiyeen sugida ammaanka magaalada Muqdisho sidda uu hadalka u dhigay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo guddoomiye Tarsan uu si cad ah u weerarro hey’addaha ammaanka, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay wax ka qaban waayeen ammaanka Caasimada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com