Recep Tayyip Erdoğan oo lacagta uu DF Somalia siiyo lagula dheggan yahay

Istanbul (Caasimada Online) – Xisbiga Mucaaradka ee ugu weyn dalka Turkiga ayaa dalbaday inuu Ra’isul-wasaaraha dalkaasi faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo Miisaaniyadda Lacagaha sida tooska loogu taageero Dowladda Somalia.

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ugu weyn dalka Turkiga ee (CHP) ayaa weydiistay Barlamaanka inay u yeeraan Ra’isul-wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, si su’aallo toos ah looga weydiiyo Miisaaniyadda Lacagaha ee sida tooska loogu diro Dowladda Somalia.

Ku-xigeenka Xisbiga CHP, Faaruuq Logoglu ayaa sheegay in loo baahan yahay inuu Ra’isul-wasaaruhu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo Lacagaha tooska loogu diro Dowladda Somalia oo halgan adag ugu jirta Dib-u-dhiska dalka oo ay dagaallo ka socdeen in ka badan 20-sanno.

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Xisbiga ugu weyn ee mucaardka dalka Turkiga, Faaruuq Logoglu ayaa waxa su’aalaha uu weydiinayo inuu Ra’isul-wasaaraha Turkiga ka jawaabo ayaa kala ahaa:- Waa imisa cadadka miisaniyadda lacageed ee Somalia lagu taageeray muddadii u dhexeysay 2012 ilaa 2013 ? Waa imisa miisaaniyadda sida tooska ah loogu diro Dowladda Somalia? Waa maxay sababaha loo jaray lacagaha sida tooska loogu diri jirey Somalia dabayaaqadii sannadkii hore ee 2013-kii ? Xaggee ka timaadaa Miisaaniyad lacageed ee sida tooska loogu diro dalka Somalia.

Saraakiil ka tirsan Dowladaha Turkiga iyo Somalia ayaa toddobaadkii hore u sheegay Wakaalladda Wararka ee Reuters in Taageeraddii dhaqaalaha ee la siin jirey Dowladda Somalia la joojiyey dabayaaqadii sanndkii hore ee 2013-kii iyo inaysan jirin wax qorshe ah oo si dhaqso leh loogu bilaabayo Kaalmadaasi.

Laakiin, Dowladda Turkiga ayaa ugu dambeyntii si rasmi ah u shaacisay inay sii wadayaan taageeradda lacageed ee ay Dowladda Federalka ku taageeri jireen.

Ra’isul-wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa noqday Hoggaamiyihii ugu horreeyey oo aan Afrikaan ahayn oo booqasho ku yimaada dalkeenna 20-kii sannadood ee la soo dhaafay.

Ra’isul-wasaare Ordagan waxa uu dalkeenna yimid sannadkii 2011-kii oo ay ka jirtay macluul aad u badan, waxaana safarkiisa kadib Somalia soo gaaray kaalmooyinkii uga badnaa ee ay Dowladda iyo Shirkadaha Turkiga soo diraan.

Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe ee Somalia, C/salaam Cumar oo xilkaasi hayey muddo 7-bilood oo keliya ayaa sheegay inay Dowladda Turkiga ugu deeqdo Dowladda Somalia bishiiba lacag dhan 4.5 million oo Dollar.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com