Gabar Soomaali ah & Wiil Mareykan ah oo isku guursaday Masjid + Sawirro

Minneapolis (Caasimada Online) Dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis, waxaa ka dhacday arrin malaha ugub ah ama haddii aan si kale u niraahno waa mid ku cusub dhaqanka Soomaalida.

Waxa ay ahayd Masjidka Al-Nur oo ku yaalla Minneapolis, waxaa lagu qabtay xaflad meher ah oo loo sameeyay gabar Soomaali ah iyo wiil caddaan Maraykan ah balse Islaam ah.

Sidda ka muuqata sawirrada aad aragtaan, waxaa xafladda ka qaybgalay qoysaska wiilka iyo gabadha ay ka soo kala jeedaan, kuwaasoo ku farraxsan xafladda meesha ka dhacay.

a6

Gabadha Soomaalida ah waxaa lagu magacaabaa Qadro Qaali, halka wiilka caddanka ee guursaday lagu magacaabo Adam Majeweski, markii uu dhacay meherka waxa ay labaduba sheegeen in ay ku farraxsan yihiin in ay is guursadaan oo ay nolal wadaagaan.

Si kastaba, arrintan ayaa noqtay mid si weyn looga hadal hayo magaalada Minneapolis oo ah halka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool Maraykanka.

Dhaqanada noocan oo kale ma ahan kuwa ku cusub Soomaalida qurbaha ku nool, iska daa ninkan caddaanka ee Islaamka ah ee guursaday gabadha Soomaalida ah, waxaaba jirra dumar badan oo Soomaali ah oo ay qabaan rag masixiiyiin ah ama diin kale heesta iyo rag Soomaali ah oo gabdho caddaan ah qaba.

a

a5

a2Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

Caasimada@live.com