KASHIFAAD: Black Stone Security Firm: Caqabadda Amniga Muqdisho (Maxaa socda oodan Ogeyn) + Documents

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka Gen. Bashiir Goobe iyo saaxiibkii ay maqaayada ku wada lahaayeen London Xuseen Macallin oo sheegta la taliyaha madaxweynaha ee xaga aragagixisada, ayaa samaystay company- security oo lagu magacaabo Black Stone Security.

Company-gaan waxaa ay masuul uga dhigteen (General Manager) Colonel ka tirsan nabadsugida Soomaaliya oo lagu magacaabo Jamaal Cabdi. Black Stone security company waxaa lagu waardiyeeyaa ama ay adeegsataa hantida iyo ciidamada hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed.

Gen Bashiir Goobe, ayaa bilihii ugu danbeeyay joojiyey mushaaraadkii uusiin jiray shaqaalaha iyo ciidanka Nabadusgida qaranka Soomaaliyeed, sababo lagu sheegay Gen. Bashir iyo Saaxiibkiis oo lacagtii hay’adda ku samaystay company-gan lagu magacaabo Black Stone Security firm, company-gaan oo uu doonayo inuu qandaraasyo xaga amniga ah uga qaado shirkadaha iyo hay’adaha Caalamiga ah ee dalka ku sugan.

Gen Bashiir ayaa u joojiyey mushaarkii shaqaalaha iyo Ciidanka Nabadsugida qaranka si amniga faraha uga baxo shaqaalaha hay’adda nabadsugidana ay hubkooda u gataan, si loogu baahdo company-giisaan Private-ka ah ee uu soo dejiyey dhismo u dhow hotel Amira ee magaalada Muqdisho, company-gaan oo ay wada leeyihiin Gen Bashiir Goobe iyo Xuseen Macalin ayaa qandaraasyo laga siiyaa hay’adda sidoo kale shiradaha Caalamiga ah iyo Hay’adaha ayaa lagu qasbaa inay xaga aminga u isticmaalaan company-gaan uu leeyahay Taliyaha Nabadsugida qaranka Soomaaliya Gen Bashiir Goobe.

Madaxda iyo Shaqaalaha hay’adda Nabadsugida, ayaa waxaa ka xaaraan ah inay yeeshaan company private ah inta ay masuuliyada hay’adda hayaan, maadaama company-gaani shaqadiisu ku xirnaanayso in amni daro dalka ka dhacdo taasoo keeneysa sida haatanba dhacday in Taliyaha hay’adda Nabadsugidu ka shaqeeyo in Dalka amni daro ka dhacdo si company-giisu shaqo u helo. Arrimaha noocaan ah ayaa ka xaaraan ah in masuul shaqo intaan la’eg lagu aaminay inuu dayaco danta qaranka uuna ka shaqeeyo dantiisa shaqsiga.

Dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaan la socon musuqmaasuqaan xargaha goostay oo ay samaynayaan masuuliyiinta amniga qaranka lagu aaminay.

Haddii dadkii laga sugayey inay amniga sugaan, ay ganacsi ka dhigteen ama ay lacag ka raadinayaan amni darrada, sidee Muqdisho amni looga filan karaa?

Qoraalkaan waxaa ku lifaaqan shaqaale ajnabi ah aqoonsigooda oo company-ga Bashiir Goobe keensaday, aqoonsigooda iyo magacyadooda, sidoo kale waxaa ku lifaaqan Colanel hay’adda nabadsugida ka tirsan haddana Sheeganaya general Manager-ka Black stone company.

Sidoo kale waxaa ku lifaaqan warqad hantidhawrka Hay’adda Nabadsugidu ku sheegayo musuqmaasuqa hay’adda nabadsugida xadka uu gaarsiisan yahay.

black1black2black3black4