HRW: 12-kun oo qof oo SOOMAALI ah ayaa Sacuudiga laga soo tarxiilay

Nairobi (Caasimada Online) Warbixin ay soo saartay hey’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch,ayaa lagu sheegay dalka Sacuudiga in laga tarxiilay 12kun oo Soomaali ah, kuwaasoo sharci daro ku joogay dalkaas.

Dadkan waxaa ku jirra boqlaal dumar iyo carruur ah kuwaasoo laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sidda lagu sheegay warbixinta HRW, waxaa jirra wali dad badan oo ku jirra xabsiyadaha dalkaas kuwaasoo loo geesto dhibaatooyin kala duwan

Farxiyo, waa haweeney Soomaali ah, oo leh uur siddeed bilood, taasoo laga soo tarxiilay Saudi Arabia January 29, 2014 kaddib markii 10-sanno ay ka shaqeeneysay gurri
Farxiyo, waa haweeney Soomaali ah, oo leh uur siddeed bilood, taasoo laga soo tarxiilay Saudi Arabia January 29, 2014 kaddib markii 10-sanno ay ka shaqeeneysay gurri

HRW ayaa dowladda Sacuudiga ugu baaqday in ay joojiso tarxiilka ay ku heyso Soomaalida ku nool dalkaas, maadama aaney heleynin meel ay ku soo laabtaan.

Hey’adda IOM ayaa ka soo xigatay dowladda Soomaaliya in Sacuudiga uu ka soo tarxiilayo dalkiisa 30kun oo qof toddobaadyada soo socda.

Gerry Simpson oo ah baare u qaabilsan HRW dhinaca qoxootiga ayaa sheegay in tobanaan kun oo qof oo isugu jirra dumar, rag iyo carruur in laga soo tarxiilay Sacuudiga bishii horre.

Ugu dambeyn hey’adda HRW ayaa ugu baaqday dowladda Sacuudiga in ay joojiso tarxiilka ay ku heyso dadka magangalyo doonka ah oo ay ku jiraan Soomaalida.

Dowladda Soomaaliya itaal uma lahan in ay wax u qabato qoxootiga Soomaalida ee laga soo tarxiilay Sacuudiga ama ugu yaraan ay kala hadasho muwaadinteeda laga soo tarxiilayo dalkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

Caasimada@live.com