Daawo Sawirrada: Cabdi Weli Gaas oo fariin culus u diray dowladda Turkiga

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Puntland, ayaa dowladda Turkiga u diray fariin ah in sidda ugu dhaqsiyaha badan ay xafiisyo uga furtaan magaalooyinka Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in Turkiga sannadkii 2012-ka ay kula heshiiyeen in xafiisyo ay ka furtaan magaalooyinka Soomaalida, xilligaas oo ahaa ra’iisal wasaarihii dowladii KMG ah.

“Annaga Kiish Sonkor ah ama Bur ah, waxbo nooma tarayaan, waxaan u baahanahay in la soo gaarsiiyo gargaarka loogu talagalay Puntland” ayuu yiri.

Baaq uu u diray ganacsatada Turkiga

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sidoo kale baaq u diray ganacsatada Turkiga, isagoona yiri “Waa in aad mashruucyo ka hirgalisaan magaalooyinka Puntland”

2014218635283196602446082IMG_0121

Madaxweyne Gaas wuu dhaartay

Dhinaca kale madaxweyne Cabdiweli ayaa ka digay in la musuq-maasuqo gargaarka uu Turkiga u keenay dadkii ku wax yeeloobay roobabkii iyo dabeylihii ku dhfutay deeganno ku yaalla Puntland dabayaaqadii sannadkii horre.

“Walaahi ciddii lagu helo iyagoo qaadanaya hal kiis oo ka mid ah gargaarkan tallaabo cad ayaan ka qaadeynaa, waayo gargaarkan dad dhibaateesan ayaa loogu talagay, maamul, askari iyo qof kasta oo lagu helo in uu musuqmaasuqay gargaarkan waxa ay heli doonaan wixii ay muteesteen” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Hadalkan ayuu madaxweynaha Puntland jeediyay mar uu maanta booqday degmada Dangorayo oo 80km u jirta magaalada Garoowe, halkaas oo la sheegay in buundadii ku tiilay in ay burburtay.

Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay mashruuc lagu dhisayo buundada Sin-u-jiif oo ay dumiyeen roobabkii dabeylaha watey ee sanadkii hore gobolka Nugaal ka da’ay, waxaana la sheegay in lagu dhisaayo lacag gaareysa 300,ooo oo dollar, waxaana bixinaya maamulka Puntland.

2014218635283189230258594IMG_0052

 

2014218635283186184141308IMG_0023

2014218635283192102514199IMG_0065

2014218635283199674831729IMG_0157Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com