Kismaayo oo caawa bandow ah & dilal mar kale ka dhacay magaalada

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in magaalada caawa lagu soo rogay bandow, kaddib markii xaley kooxo hubeysan ay dileen taliyihii nabad sugida maamulka KMG ah ee Jubba.

Wariye ku sugan Kismaayo, ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online, in magaalada caawa ay bandow tahay dadkana lagu amray in ay guryahooda galaan xilli horre, waxaa kaloo uu sheegay in magaalada lagu soo daadiyay ciidamo fara badan.

Dhinaca kale, ciidamada ammaanka ee maamulka KMG ah ee Jubba ayaa si yaabo kala duwan ugu dilay magaalada ilaa shan qof oo uu ku jirro nin hubeysan oo la sheegay in uu afduuban rabay baabuur ay la socdeen dad rayid ah.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Caasimada Online, in magaalada tan iyo xaley markii la dilay Ciise Kaambooni oo ahaa taliyihii nabad sugida in ay ka dhaceen dilal dhowr ah.

Qaar ka mid ah dadka la dilay waxaa meydkooda laga helay xaafadda Farjano oo ahayd halkii lagu dilay Ciise Kaabooni iyo ilaaladiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caaimada@live.com