R/W C/Weli oo caawa ku sugan Kenya iyo xog ku saabsan socdaalkiisa

Nairobo (Caasimada Online) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa galabta ka dagay garoonka caalamiga ee Jomo Kenyatta magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Nuur Americo.

Safiirka oo mar sii horreysay maanta la hadlay BBC ayaa sheegay in raysal wasaaraha uu casuumad ka helay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto.

Wuxuu sheegay oo kale safiirka in ra’iisal wasaaraha iyo wafdi la socda oo ay ka mid yihiin wasiiro in madaxda Kenya ay kala hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada wadan iyo ciidanka Kenya oo ka mid ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Danjire Ameerico ayaa ugu dambeyn sheegay ra’iisal wasaaraha uu caawa la kulmi doono jaaliyada Soomaalida ee ku noo Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed shaley magaalada Djibouti kula kulmay madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo ra’iisul wasaarihiisa Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Ra’iisal wasaaraha waxaa kaloo uu soo maray wadalka Ethiopia isagoona kulamo la qaatay madaxda dalkaas.

Raysul wasaaraha waxaa booqashadiisa ku wehliya wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, wasiirka maaliyadda, Xuseen Cabdi Xalane, wasiirka warfaafinta, Mustaf Dhuxulow, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Siciid Maxamed Qorsheel iyo wasiiru dowlaha gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com