Ethiopian Airlines oo duulimaadyo ka billaabeysa Xamar markii u horeysay

Addis Ababa (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dhawaan diyaaradda Ethiopian Airlines ay markii ugu horreysay duulimaad caalami ka billaabi doonto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo shirkadda diyaaradaha Ethiopia ay duulimaad ka sameeso Muqdisho muddo ka badan 20-sanno.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Siciid Maxamed Qorsheel oo ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminaayay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo dhawaan tagay Addis Ababa ayaa sheegay in dhawaan diyaaradda Ethiopian Airlines ay billaabi doonto duulimaad caalami oo ah Muqdisho to Addis Ababa.

Wasiirka si dhab ah uma sheegin xilliga duulimaadka ay billaabeyso shirkadda Ethiopian Airlines

Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in labada dowladood ay dhawaan ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa heshiis dhowr qoddobo ka kooban oo uu ka mid yahay in Soomaaliya loo tababbarro shaqaalaha ka shaqeen doona Somali Airlines oo dib loo howlgalin doono.

Waa markii ugu horreysay oo shirkadda diyaaradda Ethiopian Airlines ay duulimaad caalami ah ka sameeneysa Soomaaliya tan iyo markii labada dowladood uu dhex maray dagaalkoo 1977-kii.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com