Sawirro: Xaguu ku dambeyey Faroole?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxwaynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa galabta ka dhoofay garoonka diyaaradaha magalada Garowe.

Waxaana sii sagootiyay qaar ka mid ah wasiiraddii hore ee xukumadiisa,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo taliyaasha ciidamada kala duwan ee Puntland.

Inta uusan Faroole diyaarada fuulin ayuu warbaahinta la hadlay wuxuna sheegay socdaalkiisa inuu ku wajahan yahay magalada Nairobi ayna muhiim tahay ka wada shaqaynta nabadgalyada iyo jiritaanka Puntland.

Waxa lagu wadaa Faroole inuu socdaal ku soo kala maro dalalka dariska la ah Soomaaliya.