KISMAAYO oo weli dilal ay ka socdaan

bKismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaaya inxalay  lagu dilay mid ka mid ah Ciidamada Maamulka Kmg ah ee Jubba.

Xoogag ku hubeysnaa bistoolado, ayaa askarigaan ku dilay aagga Imperatoria, oo ka tirsan Xaafada Calanley, iyadoo la sheegay in si gaadmo leh raggaasi u dileen askariga.

Ragga dilka fuliyay oo tiradoodu lagu sheegay laba nin, balse uu la socday nin kaloo kaabaayay (Ilaalo ka haayay), ayaa waxay halkaasi kala baxsadeen qori AK47 ahaa, oo uu watay askariga la dilay.

Ciidamada Jubba oo daqiiqado kadib isku fidiyay halka uu dilku ka dhacay, ayaa marka hore ka qaaday meydka askariga la dilay, iyagoona ka bilaabay hawlgal ku aadan kuwii dilka geystay.

Ciidamada Jubba, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay jiraan dad ay ku soo qab qabteen hawlgalka, inkastoo aynaan weli soo gaba gabeen hawlgalka ka dhanka ah dembiile-yaasha.

Maamulka Kismaayo wax war ah kama aanu soo saarin dilka askariga ka tirsan Maamulka Kmg ah ee Jubba, sidoo kalana majirto cid weli sheegatay Masuuliyada dilka askarigaasi.

Dilka xalay ka dhacay Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxa uu ku soo aadayaa, xilli maalmihii la soo dhaafay ay ka soo reynaysay xaalada amniga ee Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com