Daawo sawirrada: Diyaarado militeri oo ka degay Bosaso (Dalkee ka socdeen)

Boosaaso (Caasimada Online) – Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari, waxaa ka degtay diyaarad militeri oo Faransiisku leeyahay, waxaana la socda ciidamo gaar ah.

Sidda ay lee yihiin mas’uuliyiinta maamulka Puntlad, waxay ka mid yihiin ciidanka reer Yurub ee EUNAVFOR oo la sheegay in ay burcad badeed la dagaallamayaan.

Puntland waxay ka mid tahay deegannada ay ku xooggan yihiin burcad-badeeda in kastoo ay hadda sii dhammanaayaan dhallinyaradaas Soomaalida ah.

Balse waxaa in la sheego mudan, xeebaha Soomaaliya waxaa ku sugan ciidamo fara badan oo ajnebi ah kuwaasoo sheega in ay la dagaallamaan burcad-badeeda Soomaalida balse waxaa xaqiiqo ah in ay xaalufin ku sameeyaan wax yaabaha badda ku jira isla markaana ay sun ku daadiyaan.

Ma jirto cid la xisaabtanto ciidanka ajnebiga ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.

Arag sawirka diyaarad militeri oo ka degtay BOOSAASO
Arag sawirka diyaarad militeri oo ka degtay BOOSAASO
Arag sawirka diyaarad militeri oo ka degtay BOOSAASO
Arag sawirka diyaarad militeri oo ka degtay BOOSAASO

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso

Caasimada@live.com