XASAN Sh. ma u qalmaa fursad labaad?

10-kii September 2012-kii, ayey Xildhibaanadda Barlmaanka cusub ee Federalka Somalia waxay cod aqlabiyad leh ku doorteen Prof. Xasan Sheekh Maxamuud Calasow inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee Somalia.

Tartankii Doorashadda oo ay isaga iyo Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG, Sheekh Shariif Sheekh Axmed isugu soo hareen ayaa waxaa lagu xusuustaa inay tahay Habeen Taariikh Qaran leh, maadaama la doortay Madaxweyne cusub.

Jawiga magaalladda Muqdisho iyo kan Madasha Barlamaanka wax ku dooranayeen waxa ka jirtay Jawi Nabadeed oo farxad ku sidkanayd, waxayna dadku si laabsan ugu farxeen Doorashadda Qaranka ee ka dhacayso gudaha caasimadda dalkeenna ee Muqdisho.

Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo uu nasiibku ka hiiliyey ayaa kasbaday inay Xukuumadiisii si nabadgeliyo xambaarsan ku wareejiyaan Maamulkii Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu horey uga mid ahaa Hawlwadeennaddii Ururadda Bulshadda Rayidka iyo Bare Jaamacadeed ayaa lagu han weynaa inuu Kartidiisa Aqoonyahanimo la kaashan doono sidii uu Ummadda ugu horseedi lahaa Dowlad-wanaag, Nabad iyo Mustaqbal Aayatiin xambaarsan.

Laakiinse, Doorashadiisa ayaa noqotay mid Ummadda u jiheynayso Wadiiqo gudcur oo Aayatiin-xumo xambaarsan.

Maalgashi Mashaariic lama abuurin, Ganacsatadda Soomaalida iyo kuwa Shisheeyaha ma haystaan Dhiirigelin iyo Damanaadqaad, waxayna Hay’adaha Maaliyadda Dowladda ka badin waayeen inay Dakhliga Dekedda iyo Airporka ku takri-falaan, canshuurtiina noqotay hanti dhaxal u ah Madaxda iyo Hawlwadeennadda Xafiisyadda iyo Hay’addaha lagu naas-nuujiyo.

Dalku waxa uu gundaha la sii galay dagaallo iyo amni-xumo, iyo shaqo la’aan baahsan, waxaana sara kac ku yimid Qiimaha Maciishadda, iyo hoos-u-dhac ku yimid Shillinka Soomaaliga oo ah Lacagta Qarankeenna.

Xeeldheerayaasha ayaa qiimeyn silloon ku asteeyey muddada uu Madaxweyne Xasan hayinka u hayo Dowladda Federalka, waana arrin aan garowshiyo lahayn in uu Madaxwynuhu fulin waayo Ballanqaadkiisii uu ku awr-kacsanayey si mar uun loo doorto.

Xildhibaano miisaan ku dhex leh Barlamaanka Federalka ayaa dareen Qaran ka dhawaajiyey labo isbuuc ka hor, kadib, markii ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqeen inuu iska casilo xilkaasi.

Talo-soo-jeedinta Xildhibaanadda ayaa lagu tilmaamay mid lagu soo beegay xilligii loo baahnaa, maadaama caburnaan siyasaadeed, shaqo la’aan, Nin Tooxsi, Walaahow Bulsho iyo amni-xumo baahsan ka jiraan dalka.

Xildhibaanadda Talada-soo-jeediyey ayaa tooshka ku ifiyey Waxqabad La’aanta Madaxweynaha iyo inuu ku fashilmay ballanqaadkiisa 6-da tiir ee dhalanteedka sii noqonayo.

Beer-laxawsiga Siyaasadeed, Casuumaad kharaj siyaasadeed “ISBEESO POLITIKO”, Warbaahino lala galo Qandaraasyo aysan ku buunbuunin Karin Tal-soo-jeedinta Xildhibaanadda, abaabulka Dibadbaxyadda lagu ayidiyo Madaxweynaha ayaa muujinayso Fashilka Siyaasadeed ee Madaxweynaha Qaranka.

Kala-qoqobka Xildhibaanadda iyo in dhexdooda buuq laga dhex furo ayaa u muuqata mid aan lagu aamusin Karin Xildhibaanadda Mooshinkaasi soo abaabulay oo iyagu Bulshadda ka muteystay Magac iyo Haybad iyo in lagu sharfo Waddaniyiin u daacad ah Qarankooda.

Madaxweynaha ayaa ka biyo-diidsan Talo-soo-jeedinta, wuxuuna Xildhibaanadda La-taliyey ku tilmaamay kuwo Fikirkooda Siyaasadeed u madax-bannaan, laakiin Madaxweyne waxa uu xaqiraad aan loo meel dayin ku hor-joogsaday codka Xildhibaanadda.

Madaxweynaha waxa uu malaha illaabay in Xildhibaanadda maanta kula talinayo inuu xilka ka dego inay yihiin kuwii Saldannadda uu maanta fadhiyo u doortay.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Talada Xildhibaanadda waa mid muqadas ah, waxaana habboon Madaxweyne inaad ka fekerto waxa kaaga hirgalay 6-dii Qoddob ee aad Ummadda ugu ballanqaaday inaad wax ka qaban doonto iyo waxay Xildhibaanadda Waddaniyiinta kuu qoonsadeen, kuuguna baaqeen inaad Xilka ka degto, si Madaxweyne wax qaban kara loo doorto, illayn Fashil haddii uu yimaado, Masiirka Ummadda ayaa ka miisaan culus.

Dareenka Taagan iyo Su’aalaha u baahan in jawaabahooda dhabta ah la fahmo.

Dareenka Shacbiga oo ruxay talo-soo-jeedinta Xildhibaanadda Waddaniyiinta ee Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu is-casilo.

Ma dhab baa Ololaha lagu doonayo in lagu aamusiyo Talo-soo-jeedinta Xildhibaanadda dhabta ka hadlay ?

Yaa la siiyaa Kharaj-siyaasadeedka ee lagu qaldayo Mujtamaca, laguna doonayo in lagu shiiqiyo Talada Wanaagsan ee Xildhibaanadda Waddaniyiinta ee u danqaday dadka iyo dalka hooyo ?

Yaa mudan Danta Madaxweynaha iyo Aayaha Qaranka?

Ma dhab baa inuu Madaxweynuhu ku fashilmay taabagelinta lixda qoddob ee tiirka u ahaa Ballanqaadkii uu ku dhawaaqay habeenkii loo doortay Xilkaasi ?

Madaxweynuhu oo rumeysaninay Xildhibaanaddii isaga dooratay u madax-bannaan yihiin oo keliya aragtidooda siyaasadeed?

Ayada la eegayo dhammaan arrimahaas, Madaxweyne Xasan Sheekh ma u qalmaa inuu xilka sii hayo, oo fursad labaad la siiyo>