Nairobi (Caasimada Online) – Madaxda Hay’addaha FOA, WFP iyo UNICEF ee Qaramada Midoobay oo booqday Soomaaliya ayaa dalbay lacago dheeraad ah oo lagu fuliyo mashaariicda gar-gaar ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, saddex sanno kaddib markii dalkai ay ka dhaceen abaarihii ugu xumaa ee bariga Africa ku dhufta.
Madaxda ayaa booqday mashaariic la sheegay in laga hirgalinayo degmada Doolow Soomaaliya, waxayna sheegeen in qarash la’aan darteed mashaariicdan aan la sii badhaalin karin.
QM waxay sheegtay in 857 kun oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gar-gaar deg-deg ah, in kabadan 2 malyuunna ay soo foodsaarayso cunto yaraan ay ugu wacan tahay abaaraha, miraha beeraha oo yar iyo colaadda ka jirta Soomaaliya.
Inkasta oo ay jirto xaqiiqda ah in Soomaali badan ay dhibaateysan yihiin, haddana waxaa jirta in inta badan lacagta lagu soo qaato magaca Soomaaliya ee gar gaar ahaanta lagu dalbado, ay dadka Soomaaliyeed gaaraan un qeyb yar oo ka mid ah. Dadka qaar ayaa rumeysan in xittaa aysan gaarin Soomaalida 10% lacagta magacooda lagu qaato.
Imaanshihii hay’adaha Turkiga ee Soomaaliya, ayaa muujiyey wax badan oo ku saabsan sida lacagta balaayiinta dollar ah ee magaca Soomaaliya lagu qaato loo dhaco, ayada oo gar gaarka Turkiga ee Soomaalida ay dadka Soomaaliyeed arkeen, waxna ka fa’aideen, hase yeeshee kuwa kale ee dalalka reer galbeedka ay yihiin un kuwo afka ku kooban.
Dalabkan cusub ee lacagta Soomaaliya ayaa ah un mid kale oo la rabo in magaca Soomaaliya lacag badan lagu cuno.
Warbixinta VOA ee dalabka cusub hoos ka dhageyso.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]