Sawirro: MASHRUUCA GARASBINTOW

Deegaanka Garasbintow oo hoos yimaada degmad Balcad ee gobolka Shabellada Dhexe ayaa waxaa la dhagax dhigay dhismo loogu talagay dugsi Hoose/ Dhexe iyo MCH, iyadoo mashruucan oo ay iska kaashanayaan hirgelintiisa dadka deegaanka Balcad iyo ururka Somali Asal Foundation.

Mashruucan ayaa ah mashruucii ugu horeyey ee dhanka waxbarasha aas aasiga iyo caafimaadka laga hirgeliyo iyadoo dadka ku dhaqan deegaanka Garasbintow ay si aad ah u soo dhaweeyeeen.

Waxaana ka soo qeyb galay dhagax dhiga mashruuca mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala yimid caasimada Muqdisho iyo Gobolka Shabelada Dhexe, waxaana ka mid ahaa: Xildhiban Omar Ali Nor “Omar Furdug” Gudomiyaha Degmada Balcad Mohamed Mohamud Saney Takey, Gudoomiyaha Degmada Shibis Abdifatah Yanyo Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Heliwa Abshir Kaaran Gudoomiye ku xigeenka demada Daynile Ahmed Adeerow iyo marti sharaf kale oo fara badan oo dalka iyo dibada uga yimid taageerida mashruuca waxay dhamaantood ku dhiirageliyeen in laga wada faa’iideysto horumarka iminka u bilowday deegaanka Garasbintow iyagoo balan qaaday in ay isgarab taagayaan mashruuca in uu guuleysto si hadafka mustaqbalka u hirgalo.

Mas’uuliyiintii ka hadashay dhagax dhiga Waxay u soo jeediyeen ururka Somali Asal Foundation in uu ku sii baahiyo adeega ay u hayaan bulshada deegaanada kale oo baahiyo fara badan u qabaan dhanka caafimaadka iyo waxbarashada si loo yareeyo caruurta iyo hooyooyinka caafimaad xumida ugu rafaada deegaanada ku xeeran degmada Balcad ee gobolka Shabelada Dhexe iyo aqoon la’aanta sababta in dhalinyarada ay mustaqbal xumo wajahaan.

Madaxa ururka Eng. Mohamed Sharif Mohamed ayaa wuxuu amaanay bulshada degmada Balcad sida wanaagsan oo ay uga qeyb qaadanayaan mashruucaan iyo mashruucyo kale isagoo ugu baaqay in bulshada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibada ku kala nool in ay ka wada qeyb qaataan mashaariicda umadda wax loogu qabanayo.

dhismahaan ayaa la filayaa in uu soo dhamaado dabayaaqada September 2014.

Garas (1)Garas (10)Garas (11)Garas (12)Garas (2)Garas (3)Garas (4)Garas (5)Garas (6)Garas (7)Garas (8)Garas (9)