25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

War farxad leh: Arrintii XASAN Sheekh ee badda SOOMAALIYA oo gaartay BF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shakiga laga qabo in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu si garasho la’aan ah muran u geliyey badda Soomaaliya, ayaa gaaray xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdinaasir Gaarane oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa ka hadlay warqad dhowaan uu madaxweynaha Soomaaliya u qoray Qaramada Madoobe oo looga hadlayo arrinta Badda Soomaaliya. Halkan ka arag

Waxa uu sheegay inay warqaddaasi arkeen, balse baarlamaanka uu weli ka taagan yahay go’aankii uu ka taagnaa xiligii KMG ahaa, oo marnaba aysan aqbali doonin in wada hadal laga galo badda Soomaaliya, ama muran la geliyo.

Madaxweynaha ayuu sheegay inuu ku kacay qalad qaran, isla markaana aysan muhiim ahayn in sida Kenya ay rabto loo hadlo, oo lasoo qaad qaado badda Soomaaliya.

Hadalka Xildhibaanka, ayaa ah mid ka farxinaya shacabka Soomaaliyeed, una xaqiijinaya inaysan ka jiifin isku dayada muranka lagu gelinayo dhul-badeedka Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso Gaarane

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News