Wararkii ugu dambeeyay dagaalka dib uga qarxay beelaha Xawaadle iyo DIR

Baladweyne (Caasimada Online) –  Inta la ogyahay 12-ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaallo dib uga qarxay deeganka Deefow oo qiyaastii 40km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Dagaalka oo uu u dhexeeyo maleeshiyo beeleedyo ayaa la sheegay in uu salka ku hayo dhul daaqsiimeed la isku heesto sidda ay lee yihiin wax garadka labada dhinac.

In kastoo hadda xabad socon haddana waxaa la lee yahay labada dhinac waxaa ay dirsadeen gurmad hub iyo dad waxaana xilli kasta la filan karaa dagaal maadama aaney jirin cid ku howlan daminta dagaalka ka qarxay deeganka Deefow.

Wax-garadka gobalka Hiiraan iyo ciidamada AMISOM ayaa ugu baaqay labada maleeshiyo beeleed in ay joojiyaan dagaalka isla markaana ay wadahadlaan.

Maamulka gobalka Hiiraan iyo dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer isku dayday in ay dhex dhexaadin ka dhex sameeso labada qabiil eek u dagaallamaya deefow oo ah deegan ay ku yaalaan beero badan balse waa ay ku guul darreesteen.

Dhinaca kale, agaasimaha Isbitaalka Baladweyne Dr. Axmed Khaliif ayaa saxaafadda u sheegay in isbitaalkooda la keenay 20 qof oo dhaawacyo qaba balse lix ka mid oo xaaladooda ay darneed loo qaaday magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in dhaawacyada hadda ku jirra isbitaalka ay ku filan yihiin daweyntooda balse ay ka cabsi qabaan haddii dagaallada ay sii socdaan in tirada dhaawacyada ay sii bataan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda dhexe iyo maamulka gobalka Hiiraan oo ku aadan dagaalka dib uga duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baladweyne