Dhageyso: Sharmarke oo ka warbixiyay waxyaabihii uu kala hadlay OBAMA

Washington DC (Caasimada Online) – Idaacadda VOA-da ayaa wareysi gaar ah la yeelatay safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u soo magacowday magaalada Wanshiton ee dalka Maraykanka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Danjiraha cusub ayaa ka warbixiyay qaabiladii shaley uu ku qaabilay aqalka cad madaxweyne Obama oo ka guddoomay waraaqadihiisa safiirnimo, wuxuu sheegay in madaxweyne Obama uu kala hadlay arrimo badan oo ku saabsan calaaqaadka labada dowladood.

Ugu horeyn wuxuu sheegay in hab maamuus aad u weyn loogu soo dhaweyay aqalka cad ee looga arrimiyo dalka markii uu la kulmaayay madaxweyne Obama.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa xusay in isaga iyo afar safiir oo kale oo la rabay in la kulmaan madaxweyne Obama laga qaaday hotel ay daganaayeen iyadoo la waardiyeenaayo loona soo diray baabuur galbisa oo ay lee dahay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka.

Wuxuu sheegay markii ay tageen aqalka cad in mid mid ay ula kulmeen madaxweyne Obama isla markaana ay kala hadleen arrimo dhowr ah.

Mar uu ka hadlaayay wax yaabaha uu sida gaarka ay ku soo qaateen kulanka isaga iyo Obama in ay ka mid ahayd in uu ku yiri madaxweyne Obana “Waad u jeedaa sidda degdega ah ee loo oggolaaday magacaabistaada, annaga waxaan u baahanahay in aan xoojino xiriirka Soomaaliya”

Wuxuu sheegay in uu isagana kaga mahad celiyay sidda looga aqbalay safiirnimadiisa iyo qaabka loogu soo dhaweeyay aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Washington Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu noqdo safiirkii ugu horeeyay ee Soomaaliya u soo magacowdo Maraykanka 23-sanno Kaddib, isagoona ballan qaaday in uu xoojin doono xiriirka Maraykanka iyo Soomaaliya.

Mar la weydiiyay halka uu ku shaqeyn doono maadama wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya uu dhawaan sheegay in la iibiyay dhismihii safaaradda ee Wanshinton, wuxuu sheegay in bal hadda qorsha koowaad uu ahaa siddii warqadaha safiirnimo looga oggolaan lahaa balse toddobaadkan ay billaabi lahaayeen siddii loo heli lahaa dhismo ay ku shaqeyso safaaradda iyo shaqaale ka howgalla.

Wareysiga hoos ka dhageyso

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

Caasimada@live.com