XOG: Muxuu Alan Cole u sheegay P/L?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo aqalka Madaxtooyada Puntland ku qaabilay 14 July, 2014  xiriiriyaha Barnamaajika la dagaalanka dambiyada ka dhaca badaha Geeska Afrika iyo Badweynta Hindiya Mr. Alan Cole iyo ku-xigeenka Barnaamijka UNODC ee Soomaaliya haweenayda lagu magacaabo Francesco ayaa kawada hadley dhibatooyinka dhowaan soo food saarey xabsiga cusub ee ku yaal caasimada Garoowe.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen saraakiil ka socota labad dhinac ayaa diirada lagu saarey sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka dhowaan soo foodsaarey xabsiga cusub ee Garoowe kuwaas dhowaan Caasimada Online ay qaybo kamid ah shaacisay. Halkaan ka akhriso

Madaxda ka socotey hay’ada UNODC ayaa dowlada Puntland kala hadashey in sababta ugu weyn ee hakadka galisay habsami u socodka shaqada xabsiga ay tahay kadib markii xukuumada Gaas ka gaabisay bixinta kharashaad dhinaceeda laga sugayey.

Heshiiska u dhexeeyey labada dhinac ayaa dhigayey in xukuumadda Puntland bixiso kharashyaadka la xiriira shidaalka matoorada korontadada dhaliya 80%, Mushaharka ciidamada asluubta iyo kharashka dayactirka xabsiga, halka hay’ada UNODC oo wakiil ka ah wadamada bixiyey kharashka lagu dhisey xabsigaan ahaayeen kharashka ku baxa caafimaadka maxaabiista, tababarkooda,  boqolkiiba 20% kharashka shidaalka matoorada iyo dhamaan mashaariicda lagu kordhinayo dhismaha Xabsiga.

Wararka ay Caasimada Online ka heshay kulankaan ayaa sheegaya sidoo kale in madaxweynaha Puntland uusan waxbadan ka ogeyn kharashka ku baxa xabsigaan in la baxshey iyo in kale, isaga oo xusey inuu amar xilli hore ku siiyey wasaarada maaliyada, balse aysan bixin.

Lama oga sababta wasaarada maaliyada uga gaabisay bixinta kharashka xabsiga xili hay’ada UNODC qiimeyneyso sida dowladda Puntland muhiimad weyn u siineyso heshiisyada caalamiga ah.

Dhinaca kale wakiilka Qaramada Midoobey ee hay’adda UNODC ayaa la kulmey wasiirka aminga Puntland iyada oo wararku sheegayaan inuu kala hadlayey halka uu marayo baaritaanka ninkii diley labada sarkaal ee ka tirsanaa hay’adda UNODC kuwaasoo lagu toogtey garoonka diyaaradaha Gaalkacayo.

Dowladda Puntland ayaan wax qoraal ah ama warsaxafdeed ah kasoo saarin halka uu maro baarista gacan-ku dhiiglahaan xili beesha caalamka iyo hay’adaha QM isha ku hayaan sida loo xaliyo dilkaan kaasoo waxbadan u dhimey sumcadii Puntland ku laheynd caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com