Dhageyso: SHABELLE STATE oo jawaab adag ka bixiyey go’aankii Cabdi Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeeen u hadlay maamulka Shabeelle State ayaa sheegay in aysan aqoonsan doonin guddiga farsamada maamulka Koonfur Galbeed ee Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu magacaabay.

Waxa uu sheegay Afhayeenka inuusan waxba ka galin maamulka Shabeelle State maamulada isbar-baayaca ee ka dhisan Baydhabo, iyo qaska uu dalka ka wado ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Waxa uu qeexa in Dowladda Soomaaliya ay ka gaabiyeen wax ka qabashada xaalada cakiran ee Koonfurta Soomaaliya, waxa uuna hoosta ka xariiqay in maamulada ka dhisan magaalada Baydhab ee gobalka Bay ay sii kala fogeeneyso dowladda.

Wuxuu sheegay in maaamulka Shabelle State uu yahay midka saxda ah ee ka jira gobalka Shabeellaha Hoose.

Halkan ka dhageyso

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com