Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay & ka dageen wafdi culus oo gaaray

Baydhabo (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen wafdi isku dhaf ah oo ka tirsan saxiixayaasha maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed.

Wafdiga oo ka kooban 34-xubnood ayaa ka amababaxay magaalada Muqdisho waxaana hoggaaminaya madaxweynaha maamulka seddaxda gobal iyo wasiirkii hore ee ammaanka maamulka lixda gobal Cabdifataax Cali Geeseey.

Wafdiga ayaa ka hor inta aaney Baydhabo gaarin waxaa lagu soo warramayaa in ammaanka magaalada aad loo adkeeyay waxaana meel kasta kusugnaa ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM sidda uu soo sheegay wariye Caasimada Online u jooga magaalada.

Xaalada magaalada ayaa deggan in kastoo magaalada laga dareemay wafdiga immaanaya ee ka yimid magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayey ahayd markii madaxda dowladda iyo wakiilo ka socda beesha caalamka ay ka qeybgaleen heshiis lagu mideenaayay maamulada koonfur galbeed ee dalka, in kastoo weli uu jirro guux iyo mucaaradad ka dhan ah heshiiskaas ay garwadeenka ka ahayd dowladda.

Magaalada Baydhabo waxaa horrey u joogay madaxweynaha maamulka lixda gobal ee Madoobe Nuunow oo ka soo horjeestay heshiiska lagu mideeyay lixda iyo seddaxda maamul.

Wafdiga inta aaney ka soo ambabixin Muqdisho waxaa xaflad sagootin xaley u sameeyay ra’iisal wasaaraha xukuumadda oo aad ugu ololeenaayay in uu la sameeyo maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Caasimada@live.com