Maxaa xalay MUQDISHO ka dhacay oo aadan Ogeyn? (Wax-badan ka Ogow)

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu 1:30 Saqdii dhexe habeennimo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somalia.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Garaash ku yaalla inta u dhexeysa Isgooyska Debka iyo Bakaaraha, gaar ahaan Garaash ku yaalla meel aan sidaa uga fogeyn Shaleemo Hodan oo ku dhow dhagax tuur.

Garaashka ayaa waxaa la Tilmaamayaa in lagu xareeyay Gaari miineysnaa oo la doonaayay in lagu fuliyo Weerar Ismiidaamin ah, balse nasiib daro uu gaariga Qarxay intii aan weerarka lagu fulin.

Qaraxa gaariga ma geysan wax khasaaro nafeed ah, markii laga reebo Khasaaro soo gaaray gawaari badan oo ku xareysnaa Garaashka, iyadoona ay Wakhti dambe ay halkaasi gaaren Ciidamada Degmada oo meesha ka kaxeeyay Shaqaalaha Garaashka oo iyagu la sheegay inay wax kala socdeen Qaraxa iyo gaariga miineysnaa.

Saraakiisha Ammaanka Degmada waxa ay sheegen in Qaraxa uusan geysan Khasaaro, waxa ayna Tilmaamen inay baaritaano ku sameyn doonaan Milkiilaha iyo shaqaalaha Garaashka kadib ay warbaahinta usoo gudbin doonaan.

Ma aha markii ugu horeysay oo garaash ku yaalla Magaalada Muqdisho uu ku dhex qarxo gaari lala damacsan yahay weerar Ismiidaamin ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com