Beelaha MAJEERTEEN iyo ABSAME oo Xasan dibad-bax ugu diyaarinaya USA

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaaray Magaalada Minneapolis ee Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in dadka kasoo jeeda beelaha Absame iyo Majeerteen ee degan ay wadaan Abaabul Banaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo oo halkaasi ku sugan.

Madaxweyne Xassan oo Dalka Mareykanka uga qeybgalaayo Shir ay isku arkayaan Dowladaha Africa oo uu marti galiyay Madaxweynaha Dalkaasi Barack Obama, ayaa waxaa ka soo horjeeda labadan beel oo iyagu u arka In Xassan uu gabay Siyaasadii lagu hagi lahaa Dalka Somalia, oo ay ayaga jeclaayeen.

Dadka wada Banaanbaxa ayaa waxa ay tilmaameen in Ujeedka Banaanbaxa uu yahay mid Salka ku haayo diidmada iyo ka gaabinta Dowlada Federaalka ay ka gaabineyso inay dalka si wanaagsan u hogaamiso.

Si kastaba, dadka Soomaaliyeed badankood, ayaa isu diyaarinaya inay soo dhoweeyaan madaxweynaha, waxayna sheegeen in banaanbaxa ka dhanka ah uu yahay mis qabyaaladeysan, oo labadan beel markii horeba ay ku caan baxeen..

Banaanbaxayaasha qaarkood ayaa ka imaaday wadamo ay kamid yihiin Canada si ay u muujiyaan ka hor imaanshaha Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana la tilmaamayaa in xiligaani Magaalada Minneapolis ay isku aruursanayaan gudiyada loo xilsaaray Banaanbaxa.

Dhanka kale, Magaalada Minneapolis ayaa waxaa laga dareemayaa Siyaasado kacsan, waxaana jiro Banaanbaxyo kale oo lagu Taageeraayo Madaxweyne Xassan iyo Wafdigiisa kaasi oo uu wado Danjiraha Dowlada u fadhiyo Dalkaasi Mareykanka.

 Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com