XOG: Culeys soo food saaray HIIRAALE

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in xiligaani uu Culeys xoogan soo food-saaray Col. Barre Hiiraale oo kasoo horjeeda Maamulka KMG Jubba ee uu Hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Wararku waxa ay sheegayaan in Wafdi ka kala socda QM, Turkiga iyo Imaaraadka ee Jooga Magaalada Kismaayo, ay kulamo ku raadinayaan Col. Barre si looga qeygalsho Shirka maalmaha dhow ka furmi doono Magaalo xeebeedka Jubada Hoose.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegay in Saraakiil ka tirsan QM, Imaaraadka iyo Turkiga ee Jooga Kismaayo xiriiro qadka Telka ah la sameeyen Col. Barre Hiiraale, hayeeshee ay ku gacan-seeren inay dabciyaan go’aanka adag ee Barre Hiiraale.

Waxaa la filayaa in Duleedka Kismaayo, gaar ahaan Deegaanka Goobweyn maanta ama bari ay gaaran Saraakiisha QM,Turkiga iyo Imaaraadka jooga Kismaayo, si ay kulamo ula yeeshaan Col. Barre Hiiraale, waxaana la Tilmaamayaa in Barre uu diiday in Goobweyn ay soo gaaran Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka KMG Jubba.

Barre Hiiraale waxa uu booqashada Wafdigaasi ku aadan Goobweyn ku xiray shuruud ah inaysan soo raaci Karin Mas’uuliyiin ama Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubba, waxa uuna Tilmaamay inuu isaga usoo diri doono Saraakiil soo hogaamisa.

Xaalada ayaa ah mid cakiran waxa uuna Barre ka biyo diidan yahay Warqad casuumaad ah oo ay u direen Maamulka KMG Jubba si uu uga soo qeyb qaato Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha Kismaayo, Hayeeshe waxa ay u muuqaneysaa in barre Hiiraale uusan ka qeyb qaadan doonin.

Lama Oga wajiga ay Wafdiga ka socda QM, Turkiga iyo Imaaraadka ay kala kulmi doonaan Col. Barre Hiiraale oo kula ballansan yihiin Duleedka Kismaayo.

Lasoco wixii faah-faahin ah wararkeena dambe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com