Dhageyso beelo ku dhowaaqay inay ka baxeen maamulka PUNTLAND, Sabab?

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah beelihii wax ka dhisay maamul goboleedka Puntland, ayaa shaaca ka qaaday inay maamulkaasi isaga baxeen, ayna ku biiri doonaan maamullo kale.

Nabadoon Salaad Maxamed Xirsi oo ka mid ah waxgaradka beelaha dega waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland, ayaa sheegay in kulan ballaaran oo ay ku yeesheen waqooyiga magaaladaasi ay isku af-garteen in ay ka baxaan Puntland.

Wuxuu sheegay in ay soo dhoweynayaan maamul ka hana-qaada goballada dhexe ee Soomaaliya, sida kan loo dhisayo Mudug iyo Gal-Gaduud, isla markaana uusan cajab galin hadalkii diidmada ahaa ee ka soo yeeray madaxweynaha Puntland C/weli Cali Gaas.

Salaad, ayaa hoosta ka xariiqay inay wax ka dhisanayaan maamulkaasi cusub ee gobollada ee la doonayo in loo dhiso goballada Mudug iyo Galgaduud, ayna u arkaan inuu kaga wanaagsan yahay kan Puntland, oo uu caddaalad darro ku eedeeyey.

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in go’aankan ay u dhan tahay beeshiisa, ayna ciidamadooda gooni uga baxeen kuwa Puntland.

Halkan ka dhageyso hadalkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com