Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Khatumo Stat Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlaayay warar ay baahiyeen Saraakiisha Ciidamada Maamulka Somaliland oo ahaa inay la wareegeen gabi ahaan Deegaanka Saxar-dheer ee Gobolka Sool, ayaa waxaa arrintaasi si kulul u beeniyay Madaxweyne Galeyr iyo Saraakiishiisa.
Madaxweyne Cai Khaliif waxa uu sheegay in Deegaanka Saxar-dheer ee Gobolka Sool ay ku sugan yihiin Ciidamadiisu, waxa uuna Tilmaamay in Maamulka Somaliland ay wadaan warar aan laheyn biyo dhac wanaagsan.
‘’Waa been abuur Deegaanka Saxar-dheer ee Gobolka Sool waxaa hadda ku sugan Ciidamada Khatumo, Somaliland waxa ay rabtaa in Gobolka ay ku maamusho dacaayado raqiis ah, waxaa jiro Dhaqdhaqaaqyo ay daafaha Deegaanka Saxar-dheer kawadaan laakin waa been abuur maqabsan Deegaankaasi’’ Ayuu yiri Cali Khaliif
Sidoo kale, Madaxweyne Galeyr waxa uu sheegay in Maamulka Somaliland ay siin-doonaan Jawaab culus haddii ay isku dayaan inay talaabo usoo qaadan dhanka Deegaanada uu Maamulkiisa ka arimiyo.
‘’Dhab ahaantii Jawaab ayaan ka bixineynaa haddii ay dhacdo in Ciidamo taabacsan Somaliland ay usoo talaaban dhanka Khatumo taasi waa naga digniin’’
Sidoo kale, Maxamuud Sheikh Cumar oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Khatumo, ayaa cadeeyay in Deegaanada Khatumo la sugay Ammaankooda, waxa uuna Tilmaamay in Ciidamada maamulka Somaliland aysan u dhaweyn xadka Khatumo ay la wadaagto, waxa uuna beeniyay wararka sheegaya in Ciidamada Somaliland ay qabsadeen Deegaanka Saxar-dheer ee Gobolka Sool.
Dhanka kale, Taliyaha Ciidamada Militeriga Khatumo, ayaa dhankiisa ka sheegay inay diyaar u yihiin talaabo waliba oo kaga imaada dhanka Somaliland, waxa uuna sheegay in Ciidamada Khatumo ay u dhameystiran yihiin iska caabinta Ciidamada Maamulka Somaliland
Haddalka kasoo yeeray Maamulka Khatumo, ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo ay maalintii shalay Saraakiisha Maamulka Somaliland shaaciyeen inay la wareegeen gabi ahaan Deegaanka Saxar-dheer ee Gobolka Sool
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho