XOG: Xildhibaanno ka tirsan BFS oo ku biiray kooxda aswadayaasha Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo Xog-Ogaal ah oo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaaya in ay dib usoo laba kacleeyeen kooxda qaswadayaasha Somalia ee lidka ku ah Jiritaanka Dowlada Federaalka Somalia ee uu Hoggaaminaayo Madaxweyne Xassan Sheekh.

Kooxdan ayaa waxaa iminka ku biiray Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia oo iyagu dhawaan lagu weeraray Hooygooda ku yaalla Magaalada Muqdisho, halka kuwa kalana ay iminka ka cabsi qabaan in weerar ay kala kulmaan DF.

Ilo wareedka ayaa xaqiijinaaya in awooda Guddiga uu bur-buray kadib markii ay ka baxeen Siyaasiyiin ay kamid ahaayen C/weli Gaas, Cali Khaliif, Omar C/rashiid iyo Xubno kale, waxaana hadda la sheegayaa in boosaskaasi ay buuxinayaan Xildhibaanada Guddiga ku biirayo.

Guddiga ayaa waxaa iminka ku haray Cali Maxamed Geedi iyo Yuusuf Garaad oo aan weli loo saldhigin boosaskii ay ka rajeynayeen Villa Somalia oo uu u ballan qaaday Madaxweyne Xassan Sheikh.

Isbedelka dadban ee Guddiga ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo dhawaanahaani ay Dowladu yeelaneysay Mucaaradyo kasoo horjeeda Hub ka dhigista iyo Siyaasadaha ay la daal-dhaceyso DF.

Hirgalinta Guddiga ayaa waxaa taabagalinaaya Siyaasiyiin kasoo horjeeda DF iyo weliba Dowlada Kenya oo iyadu dhaliilsan Siyaasadaha Dowlada Xassan Sheekh.

Dhanka kale, Guddiga oo ay si hoose u horboodayaan Cali Maxamed Geedi iyo Yuusuf Garaad, ayaa waxaa xarumo u ah Hoteelada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com