Siyaasi caan ah oo diiday qorshaha DFS ee ka dhanka ah ganacsatada XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Isbaheysiga Nabada Soomaaliyeed C/laahi Sheakh Xasan oo Magaalada Muqdisho kula hadlay Warfidiyeenada, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay Madax adeeg ay weli la daal-dhaceyso Dowlada Federaalka.

Waxa uu sheegay in Dowlada Federaalka looga fadhiyo inay wax muuqda ka qabato cabashada maalmihii ugu dambeeyey kasoo yeerayey ganacsatada Soomaaliyeed oo qaarkood xiray goobahooda ganacsi.

Waxa uu sheegay C/laahi Sheakh Xasan in ganacsatada Soomaaliyeed ay laf dhabar u yihiin dhismaha Dalka iyo Kobcinta, balse DF ay u aragto Ganacsatada iney dhib ku yihiin Dalka.

Waxa uu Tilmaamay inay jiraan Dhibaatooyin badan oo ay ka cabanayaan Ganacsatada islamarkaana ay tahay nasiib daro in culeys kale lasii dulsaaro.

Guddoomiyaha Isbaheysiga Nabada Soomaaliyeed C/laahi Sheakh Xasan Waxa uu wasaarada Ganacsiga iyo Dowladuba ugu baaqay inay joojiso Culeysyada ay saareyso Ganacsatada, maadaama uu yiri Dalku iminka soo kobcaayo.

Dhinka kale, Guddoomiye C/laahi Sheakh Xasan waxa uu kahadlay arimaha ku saabsan qaadista canshuuraha iyo xaalada Degeda Muqdisho, wuxuuna Carabka ku dhuftay inaan la joogin xiligii la bixin lahaa Canshuuro badan, maadaama uu weli dalka kala xiran yahay, Ganacsiguna uusan aheyn mid u socda sidii looga baahnaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada’@live.com