Sawirro iyo Xog: Kullankii dhex-maray Axmed Madoobe iyo BARRE HIIRAALE

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxaa maanta oo Sabti ah gaaray Korneel Barre Aadan Shire Hiiraale iyo ciidamo uu wato kuwaasoo muddo sannad ka badan ku sugnaa deeganka Goobweyn oo duleedka ka ah Kismaayo.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana Barre Hiiraale iyo ciidankii la socday la dajiyay Garoonka Madhammaato oo dhowr km u jirra magaalada Kismaayo, sidaas waxaa soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo.

Warka waxaa kaloo uu sheegayaa in Barre Hiiraale iyo hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe in ay kulan yeesheen iyagoona xabadka isgaliyay isla markaana sheegay in ay is-cafiyeen.

Qorshaha dib uu ugu laabtay Barre Hiiraale ayaa waxaa ka dambeeyay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya ee Maxamed Cabdi Affeey.

Sidoo kale wararka waxaa ka mid ah in la soo hormariyay xilliga la qabanaayo shirka dib u heshiisiinta kaasoo markii hore ay ahayd in la qabto 21-ka bisha soo socota ee September balse 16-ka ayaa la qaban doonaa sidda ay lee yihiin warar la isku haleen karo oo ay heshay Caasimada Online.

Barre Hiiraale ayaa oggolaaday in uu ku soo laabto Kismaayo isla markaana si shuruud la’aan uu uga qeybgalo shirka dib u heshiisiinta ee Jubbooyinka.

bare iyo madoobe 2bare iyo madoobebarre 2Caasimada Online