Faysal C. Warabe oo sheegay xaqiiq ku saabsan sida xaalka ugu xun yahay S/L

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Maamulka Somaliland Feysal Cali Waraabe oo la hadlay Warbaahinta ayaa daboolka ka qaaday in go’aankii gooni isu taaga Maamulka Somaliland uu ahaa mid lagu saxayay qaladaad ka dhacay dowladii uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Faisal Cali waxa uu tilmaamay inuusan jirin dadaalo xiligaani muujinaayo Ololaha gooni isu taaga Maamulka Somaliland kadib markii uu Cadeeyay inuu ahaa mid Mashruuc u muuqaal eg.

Egn Faisal Cali Waraabe waxa uu Sidoo kale shaaciyay in xiligaani uu jiro qorshe la’aan lagu dhaqan galinaayo Jiritaanka Somaliland, isagoona farta ku goday in shaqsi waliba oo xilka qabta uu culeyska saarayo inuu dhiishiisa ka buuxsado.

Feysal Cali Waraabi waxa uu sheegay in qorshe la’aantii lagu dhisay Maamulka Somaliland, weli lagu raadinayo Madax banaanideeda, sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna ku tilmaamay dadaalka imika loogu jiro raadinta aqoonsi loo helo Somaliland, uu ka badan yahay qaladaadka aan lagu heli Karin Madax banaanida ee barbar socda.

Dhanka kale, waxa uu Maamulka Siilaanyo ugu baaqay in si daacadnimo ay ku jirto loogu adeego Deegaanka iyo bulshada ku nool, waxa uuna meesha ka saaray inay jirto cadaalad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com