Sawirro: Muqdisho oo laga hir-geliyey mashiinka lacagta lagala baxo (ATM)

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa markii ugu horreeyay waxaa ka shaqeynaya mashiin loogu tala-galay in lagala baxo lacagaha (ATM), kaas oo sahlaya inadan lacagta ku qaadan jeebabka.

Dadka ku nool Muqdisho ayaa billaabay inay isticmaalaan mashiinkan, taasi oo ku tuseysa heerka uu la eg yahay horumarka ka socda Xamar.

Mashiintan ayaa ah tii ugu horreysay ee laga isticmaalo Soomaaliya, waxaana lagu dhex rakibay meel hoteel ah iyo goobo kale oo la sheegay dadku inay adegsadaan. Qalabkan oo ay leedahay Salam Somali Bank, ayaa macaamiisha u oggolaanayo inay la baxaan lacag caddaan ah oo doolar-ka Mareykanka ah.

Waxa uu mashiinka aqbalay afarta shirkad ee adduunka ugu weyn ee hanaanka lacag kala wareejinta fududeeya, kuwaasi oo kala ah VISA, Master Card, American Express iyo Discover, oo dhammaantood Mareykan ah.

Magaalooyinka waa wayn ee caalamka ayaa waaa lugu xira meelaha muhiimka ah sida suqyada mashiinka lugu magacaabo ATM waxaana lagala baxa lacaga la dhigto bangiyada.

atm1atm2