Dagaal mar kale dib uga dhex qarxay maamulada Somaliland iyo Khaatumo

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Deegaanka Saaxdheer ee Gobolka Sool, ayaa sheegaya in halkaasi ay isku farasaaren Ciidamo ka kala tirsanaa Maamulka Khatumo iyo Somaliland.

Wararku waxa ay sheegayaan in dagaalka uu ka bilowday kadib markii Ciidamada Maamulka Somaliland ay Weerar ku qaadeen Fariisin ay Ciidamada Khatumo ku lahaayen Deegaanka Saaxdheer.

Dagaalka oo ahaa mid socday Seddex saac, ayaa waxaa la sheegayaa in leysu adeegsaday Hubka culculus oo qaarkood ku dhacaayay guryaha ay ku noolaayen dadka shacabka.

Inta la xaqiijiyay 7 ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa waxaa dagaalka kasoo gaaray dhimasho iyo dhaawac, halka Ciidamada Khatumo iyana laga dilay Afar.

Sidoo kale, waxaa dagaalka ku dhaawacmay Labo Haween ah oo kamid ah Dadka Deegaanka kuwaasi oo ay haleeshay Rasaastii ay isku adeegsadeen Labada Ciidanka, sida uu sheegay Mid kamid ah Dadka ku nool Saaxdheer oo warbaahinta la hadlay.

Dhanka kale, Dagaalka ayaa waxa uu ahaa mid ku bilowday gaadmo, waxa uuna markii danbe isu bedelay mid culus.

Waxaa hadda degan Xaaladda, waxaana socda Howlgallo ay Ciidanka Somaliland fulinayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com